Xaalad barakac ah ayaa ka taagan magaalada Baydhaba ee xaruta gobolka Baay, ka dib markii ay magaalada kusoo noqnoqdeen weerarada u dhaxeeya maleeshiyaadka Laftagareen iyo kwua Aadan Madoobe.
Tan iyo xalay waxaa magaalada ka socday dhaqdhaqaaq barakac ah oo ay dadku kaga baxayaan guryahooda, sawirro iyo muuqaallo xalay qabsaday baraha bulshada ayaa muujinayay dadka rayidka ah oo raadsanaya meelo gabbaad ah.
Saakana waxaa xaafadaha qaar ka billowday barakac ay magaaladaasi uga baxayaan dadka shacabka ah, sawirro lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay dadka rayidka ah oo magaalada kaga guuraya noocyada kala duwan ee gaadiidka oo ay qayb ka tahay mooto bajaajta.
Dadka rayidka ah ayaa ka baqdin qaba in lagu dul-dagaallamo, maadaama oo aysan dadku badi degganayn guryaha laga gabbaadsado rassaasta, taas oo keenaysa inay noqdaan khasaare u joog.
Tan iyo markii magaaladan uu Xasan sheikh k saaray maamulkii Cabdicasiis Laftagareen waxay marti gelisay weeraro dhowr ah oo lagu beegsaday xeryo ciidan oo kuyaal duleedka iyo gudaha magaalada, kuwaas oo ay soo qaadeen maleeshiyada daacadda u ah Laftagareen.