Shil ay ku dhinteen dad badan oo shacab ah ayaa lasoo wariyey in waaberigii hore ee saaka uu ka dhacay dhulka Soomaali Galbeed ee ku hoos-jira gumeysiga Xabashida Itoobiya.
Sida xoguhu ay tibaaxayaan, ugu yaraan 12 qof ayaa ku geeriyooday, dhowr qof oo kalena waa ay ku dhaawacmeen shilkan oo si gaar ah uga dhacay deggaan hoostaga degmada Qabri-bayax ee gobolka Faafan.
Waxaa suuragal ah ayay warark qaar leeyihiin in khasaaruhu intan kasii badan karo, maadaaka tirakoobku uu yahay mid horu-dhac ah.
Wararka ayaa sheegaya in shilkani uu yimid kadib markii gaari siday maandooriyaha qaadka oo xawaare sare ku socday uu jiiray mooto bajaaj ay saarnaayeen dad shacab ah.
Ma aha markii ugu horreysay oo shilal noocan ah ay ka dhacaan Soomaali Galbeed, balse saddexdii bilood ee u dambeeyey ayaa lasoo wariyey in shilalka gaadiidka ay u geeriyoodeen ilaa dhowr iyo labaatan qof.