Wararka ka imaanaya duleedka bari ee magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, ayaa sheegaya in shil baabuur oo gaystay khasaare isugu jira mid nafeed iyo maaliyadeed uu halkaasi ka dhacay.
Shilka ayaa u dhaxeeyay laba baabuur, kuwaas oo kala ahaa Probox iyo gaari nooca Caasiga loo yaqaan ee dadweynuhu raacaan, waxaana halkaas ka dhashay dhaawaca ugu yaraan shan oo rayid ah sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo deegaanka ah.
Dadka shilkan baabuur ku dhaawacmay ayaa la geeyay cisbitaal kuyaal magaalada Garoowe, sdoo kale lama soo warin wax dhimasho ah oo uu shilku sababay.
Sawirro lagu baahiyay baraha bulshada, ayaa muujinayay burburka gaadiidka shilka galay, kuwaas oo la xaqiijiyay inay isku dhaceen xilli ay marayeen duleedka Bari ee magaalada Garoowe.