Waxaa maanta inta badan xirnaa goobaha ganacsiga waaweyn ee magaalada Afgooye ee gobolka Sh/hoose, halkaas oo ganacsatadu sheegeen in loogu awood sheeganayo.
Ganacsatada oo shalay warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in lagu amray inay ka guuraan goobaha ay ku ganacsadaan lana dumin doono, shakhsiyaad kalena lagu wareejiyay.
Waxay soo bandhigeen dokomentiyo uu horay u siiyay maamulka Ashahaada la dirirka Koonfur-galbeed, waxayna shalay ku dhawaaqeen inay shaqo joojin sameynayaan oo ay albaabada isugu dhufanayaan goobahooda ganacsiga.
Go’aanka ganacsatada ayaa maanta ka dhaqan galay suuqyada degmada Afgooye, muuqaallo laga soo duubay goobaha ganacsiga ayaa muujinayay suuqyada oo ah kuwa haawanaya.
Ganacsatadu waxay ku goodiyeen inay qaadi doonaan tallaabo adaag, haddii uusan maamulka Riddada degmaadaasi ka laaban qorshaha lagu duminayo goobahoodaa ganacsiga oo kuyaal Boosteejadii hore ee Xamar ee degmada Afgooye.