Taliyaha ciidamada Midowga Afrika ee duullaanka gardarrada ah ku jooga Soomaaliya Janaraal Sam Kavuma, ayaa walaac xooggan ka muujiyey awoodda jihaadiyiinta Al-Shabaab iyo xaaladda hubanti la’aanta ah ee mustaqbalka hawl-galka AUSSOM.
Kavuma oo waraysi siiyey mid ka mida warbaahinta maxalliga ah ee sida dhow ula shaqaysa Afrikaanta, ayaa qiray in Al-Shabaab ay yihiin, awood la loodin kari waayay oo khatar ku ah ciidamada shisheeye iyo daba-dhilifyada Soomaaliya.
Isagoo tilmaamaya sababta Al-Shabaab looga adkaan kari waayay muddada labaatanka sano ah, ayuu Janaraal Kavuma ka dhawaajiyey inay tahay, arrin salka ku haysa caqiidada jihaadiyiinta, taas oo sidoo kale uu carabaabay in badi dadka Soomaaliyeed-na ay aaminsan yihiin.
Waxa uu dhanka kalena ka sanqariyey werwer xooggan oo uu tilmaamay inuu ka qabo mustaqbalka AUSSOM, kaas oo uu sheegay in xaalad khatar ah ay kusoo wajahan tahay, haddii aan la helin ayuu yiri, beddelka booska uu Maraykanku sheegay in uu bannaynayo.
Sidoo kale waxa uu taliyaha AUSSOM si aan gabbasho lahayn u sheegay in marnaba dagaal aan looga adkaan karin Al-Shabaab, isla markaana uu aaminsan yahay in jihaadiyiintu ay la wareegi doonaan dhammaan saldhigyada ay banneeyaan ciidamada shisheeye.
Mar taliyaha AUSSOM la waydiiyey su’aal u dhignayd: “Shirkii amniga gudaha ee maalmo ka hor lagu qabtay Muqdisho, dowladdu waxay sheegtay inay awood u leeyihiin inay la wareegaan mas’uuliyadda amnigooda. Ma ku raacsan tahay arrintaas? ayaa Janaraalku isagoo weydiintaasi ka war-celinaya, uu si jees-jees ah u yiri:
“Yaan ahay anigu, oo aan uga hor-imaado arrintaas?, Haddii ay sidaas sheegeen, waan taageerayaa, mana diidi karo hadalkooda, waayo anigu ma ihi taliyaha ciidamada Soomaaliya, waxaanse aaminsanahay in Al-Shabaab ka faa’iidaysan doonto xaaladda kal-guurka AUSSOM, maadaama ay horey-ba u sameeyeen.”
Horraanta bishii todobaad ee lasoo dhaafay ayay ahayd markii Maraykanku uu si rasmi ah Midowga Afrika ugu wargeliyey in dhammaadka sannadkan uu gebi ahaanba joojinayo taakuladii saadka ee uu siin jiray ciidamada Afrikaanta ee kusoo duullay dalka Soomaaliya.