
Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan oo soo noqday taliyihii asluubta kooxda Riddada Soomaaliya hadane katirsan kooxda Laftagareen ayaa markii ugu horraysay faah faahin dheeraad ah ka bixiyay weerarkii isaga lagu dili rabay ee bishii hore ka dhacay dhacay gobiolka Gedo.
Isagoo wareysi bixinayay ayuu sheegay in weerarkaas ay soo agaasimeen Taliyaha sirdoonka kooxda Ridada Soomaaliya,guddoomiyaha baarlamaanka iyo Xasan Gurguurte.
Wuxuu intaas ku daray in duqeynta ay geysatay diyaarad nuuceedu yahay F16 oo uu Turkigu leeyahay isagoo eedaymo culus ujeediyay madaxda Kooxda Riddada Soomaaliya.
Jeneraal Mahad Cabdikariin oo Shubka ku magac dheer wuxuu caddeymihiisa ku xoojiyay in gacanta lagu hayo ninkii hagayay duqeynta gurigiisa Dooloow,isagoona carabaabay in nin darawal u ahaa uu jaasuusay kadibna gacanta lagu dhigay.
Ninka jaasuuska ah ayuu sheegay in xiriir dhow lalahaa Cabduqaadir Tiktok oo ah guddoomiyaha baarlamaanka dawaaqiidda kooxda Riddada Soomaaliya.
Ugu dambeyn Shubka ayaa ku goodiyay in ay dagaalka kusii wadi doonaan kooxda Ridadada iyo maamulka Aadan Madoobe illaa ay ka qabsadaan magaalada Baydhabo.