Wararka ka imaanaya degmada Jariiban ee gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaaliya, ayaa sheegaya in nin hubeysan uu dhegta dhiigga u daray taliyihii Booliiska maamulka Riddada ee degmadaasi.
Ilo wareedyo, ayaa sheegaya in taliyaha maleeshiyada Booliiska ee la dilay lagu magacaabi jiray Gashaanle Guuleed Cabdulqaadir Cali Guuleed oo loo garan ogaa Kadleeye, si rasmi ah looma shaacin sababta keentay dilka loo gaystay sarkaaalkaasi.
Wararku waxay intaas ku darayaan in ninka dilka u gaystay sarkaalkan ka tirsanaa maamulka ashahaada la dirirka Puntland gacanta lagu dhigay.
Dhanka kale, dab aad u xooggan ayaa ka kacay xarumo ganacsi oo kuyaal magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, halkaas oo khasaare maaliyadeed laga soo tabiyay.
Dabka oo wararka qaar sheegayaan in uu ka dhashay gaaska cuntada lagu karsado, ayaa sababay inay basbeelaan xarumo ganacsi, sida carwooyin lagu iibiyo dharka, goobo laga cunteeyo iyo xafiis kuyiillay halka loo yaqaan xero Daraawiish.