Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Trump Oo Nugeyl Badani Ka Muuqdo Oo Muujiyey Rajo Wada-hadal.
  • Allposts
  • Warar

Trump Oo Nugeyl Badani Ka Muuqdo Oo Muujiyey Rajo Wada-hadal.

April 15, 2026
Dawladda Maraykanka ayaa ku dhawaaqday inay gabi ahaanba joojisay ganacsigii badda ee soo galayay ama ka baxayay dalka Iiraan, taas oo qayb ka ah xannibaad militari oo lagu beegsanayo dekedaha Iran, si gaar ah marin muhiim ah oo ka mid ah ganacsiga saliidda.In kasta oo uu jiro cadaadiskan dhinaca badda ah, haddana Madaxweyne Donald Trump, ku-xigeenkiisa JD Vance iyo mas’uuliyiin kale ayaa muujiyay rajo ah in wada-hadallada nabadda ay dib uga bilaaban karaan dalka Pakistan maalmaha soo socda.

“Waxaan u dhowaanay dhammaadka, haa, waxaan ula jeedaa, waxaan arkaa inuu aad ugu dhow yahay inuu dhammaado.” Ayuu madaxweynaha Maraykanka Doland Trump uu ku jawaabay kadib markii mid ka mida wariyeyaashu ay waydiiyey su’aal ahayd: dagaalku muu dhammaaday?

Ciidamada Mareykanka (CENTCOM) oo uu hoggaaminayo Admiral Brad Cooper ayaa sheegay in xannibaadda cusub ay si weyn u saameysay dhaqaalaha Iran, maadaama inta badan dhaqaalahoodu ku tiirsan yahay dhoofinta badda.

Dhanka diblomaasiyadda, wadahadallada waxaa sidoo kale ku lug leh Pakistan iyo dalal kale oo gobolka ah, halka hay’adda International Atomic Energy Agency ay sheegtay in arrinta barnaamijka nukliyeerka Iran ay weli tahay caqabadda ugu weyn.

Si kastaba, xiisadda gobolka ayaa weli sii socota, iyadoo Yahuuddu ay duqeymo ka waddo Lubnaan isla markaana ay dagaal kula jirto kooxda Xisbulla ee xiriirka la leh Iiraan, halka waxa loogu yeero beesha caalamku ay ku baaqayso in dagaalka la joojiyo.

Dhinaca dhaqaalaha, suuqyada saliidda ayaa hoos u dhacay rajada laga qabo heshiiskaas darteed, halka saamiyada Mareykanka ay kor u kaceen, maadaama weli ay jirto khatarta marinka Hormuz. Iyadoo khasaaraha dagaalka la sheegay inuu gaaray kumannaan qof, halka malaayiin dad ah ay barakaceen, gaar ahaan Lubnaan iyo Yahuudda.

Inkasta oo qaar ka mid ah maraakiibta ay dib u laabteen sababo la xiriira xannibaadda Mareykanka, haddana qaar kale ayaa isku dayay inay ka gudbaan, taasoo muujinaysa in xaaladdu weli aad u kacsan tahay. Iyadoo China ay ku hanjabtay in Maraykanku aaanu faragelin karin heshiisyadiisa Iiraan.

Trump iyo Netanyahu ayaa diidmada adag ee ay kala kulmayaan Yurub, ka dib waxaa maanta soo baxay Rafael Grossi, oo ah agaasimaha guud ee wakaaladda tamarta nukliyeerka ee caalamiga ah, uu garabkooda ka baxay, kaas oo in muddo ah taageerrayay qorshaha Trump iyo Netanyahu ee ka dhanka ah Iiraan.

Maraykanka ayaa Bariga Dhexe u diraya ilaa 10,000 oo askari oo dheeraad ah iyo maraakiib dagaal oo badan si uu cadaadiska ugu kordhiyo Iiraan, sida lagu sheegay warbixin uu soo bandhigay wargeyska Marakanka kasoo baxa ee Washington Post.

Madaxweynaha Iiraan ayaa sheegay inuu soo dhawaynayo wixii wadahadal ah, isagoo ganafka ku dhuftay rabitaan kasta oo u xaglinaya cadowga waxaanu yiri ” isku-day kasta oo cadowgu ku doonayo inuu nagu qasbo rabitaankiisa ama uu nagu riixo isdhiibid wuu fashilmi doonaa.”

Taliyaha xarunta Khatam al-Anbiya ee Iran ayaa yiri “Ma oggolaan doono in wax-soo-dejinta iyo dhoofintu ay maraan Gacanka Faaris iyo Badda Cumaan haddii ay sii socoto xannibaadda iyo hanjabaadda Mareykanka ee ka dhanka ah maraakiibta Iran.”

Inkastoo Mareykanku sheegay inuu xannibay maraakiibta Iiraan, haddana Wakaaladda wararka Iiraan ee Fars, ayaa goor dhawayd shaacisay in markab shidaal oo ay Iiraan leedahay oo qaadi kara 2 milyan oo fuusto oo shidaal ah inuu maanta ka gudbay marin-biyoodka Hormuz oo uu gaaray dekedaha Iiraan.

Markabkan ayaa la sheegay in markii uu ka gudbaayay marinka uu u shidnaa nidaamka raad-raaca, kaas oo si guul leh ku gudbay. Waxaanay tallaabadani tilmaamaysa in xannibaadda Maraykanku sheegay ay guuldaraysatay kadib markii Iiraan ay fashilisay.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -27-10-1447 Hijri.
Next: Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -28-10-1447-Hijri

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -27-12-1447-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -27-12-1447-Hijri

June 13, 2026
Daawo Muuqaalka Weerarkii Saraakiisha Looga Laayay Kooxda Gurguurte Ee Duleedka Baydhaba.
  • Allposts
  • Maqal & Muuqaal

Daawo Muuqaalka Weerarkii Saraakiisha Looga Laayay Kooxda Gurguurte Ee Duleedka Baydhaba.

June 13, 2026
Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -27-12-1447 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -27-12-1447 Hijri.

June 13, 2026

Sawirro

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.

May 29, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.

May 28, 2026
Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.

May 28, 2026
Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.

May 27, 2026
Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.

May 25, 2026
Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.

May 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.

March 21, 2026
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.

March 20, 2026
Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.

February 10, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada