Warsaxaafadeed rasmi ah oo kasoo baxay wasaaradda difaaca dowladda Yugaandha ayaa lagu sheegay in xukuumadda Kampala ay si rasmi ah ujartay xiriirkii difaac ee kala dhaxeeyay Turkiga.
Kiris Magezi oo ah ku simaha agaasimaha warfaafinta wasaaradda difaaca ayaa bayaan cara leh oo uu soo saaray ku sheegay in Uganda ay qaadday tallaab ka dhan ah Turkiga taasi oo waqtigeeda kusoo aadday.
Bayaanka ayaa lagu yiri ” Ciidanka difaaca dadka Uganda UPDF waxay si degdeg ah u joojiyeen dhammaan noocyada iskaashiga difaaca iyo milatariga ee ay la lahaayeen Turkiga.
,go’aankan wuxuu sii jiri doonaa ilaa laga xalliyo arrimaha taagan ee la xiriira iskaashiga labada dal ee dhinacyada difaaca iyo milatariga.
Taliska ciidanka difaaca shacabka Uganda ee loo yaqaan UPDF ayaa go’aankan ku dhiirraday balse tafaasiil dheeraad ah kama bixin sababaha keenay xiriirka sii xumaday inkasta oo Uganda ay sheegtay in ay jiraan umuuro taagan oo xal ubaahan.
Warbaahinta maxalliga ah ee Yugaandha ayaa khilaafka udhaxeeya Ankara iyo Kampala sababa uga dhigaysa joogitaanka Turkiga ee dalka Soomaaliya gaar ahaan in uu kusii luga fidsaday kuna mashquulsanyahay boobka kheyraadka dalka.
Sidoo kale Baadari Museveni ayaa la sheegay in uu ka caraysanyahay diidmada Turkiga ee ah in uu Yugaandha usoo gacan geliyo nin mucaarad ah oo ku sugan Ankara kaas oo lagu magacaabo Fared Lumbuye,ninkan ayaa baraha bulshada ku weerara qoyska haya talada dalka Yugaandha.
Boqolaal qof oo taageersan dowladda Yugaandha ayaa iskusoo baxyo ka dhigay afaafka hore ee safaaradda Turkigu ku leeyahay magaalada caasimadda ah ee Kampala.
Labadan dowladood ee Turkiga iyo Yugaandha ayaa kaalinta hore uga jira duullaanka Shareeca ladirirka ah ee lagusoo qaaday dalka Soomaaliya waxayna ciidamada labadan dal ay si gaar ah uga dagaallamayaan degmooyin iyo deegaanno katirsan Sh.hoose.