Ugu yaraan 16 qof oo rayid ah ayaa la dilay, in ka badan 16 haween iyo carruur ah-na waa la afduubtay kadib weerar hubaysan oo habeennimadii Isniinta ee lasoo dhaafay ka dhacay degmada Abeshige ee aagga Gurage, ee bartamaha dalka Itoobiya.
Sida dadka deegaanku u xaqiijiyeen wargeyska Addis Standard, weerarku wuxuu billowday abbaaro 8:30 fiidnimo, kadib markii ilmo yar oo 7–10 jir ah la dilay. Dadka deegaanka oo isugu yimid goob baroordiiq ah ayaa markaas lagu furay rasaas, waxaana halkaas lagu dilay dad badan oo kale.
In ka badan 16 haween iyo carruur isugu jira ayaa la sheegay in la afduubtay, halka in ka badan 30 neef oo lo’ ah la dhacay. Waxaanay wararku ay intaasi ku darayaan in dad fara badan oo deggaanka u dhashay ay cabsi darteed isaga carareen guryahooda.
Sida xogtu ay tibaaxayso, dadka deegaanka ayaa weerarkan ku eedeeyay koox hubaysan oo ay sheegeen inay ka tirsan yihiin maleeshiyaadka Amxaarada ee Fano, iyagoo sidoo kalena xusay dhowr taliye oo deegaanka ah.
Qof kale oo deegaanka ka tirsan ayaa xaqiijiyay weerarkan. Waxa kale oo la sheegay in afduubayaashu dalbadeen 800,000 ilaa 2.5 milyan oo birr si loo sii daayo dadka la qafaashay. Iyadoo beryahan dambe ay Itoobiya wax caadiya ka noqotay in dadka madaxooda lacag la saarto.
Wargeyska Addis Standard waxa uu sheegay inuu arkay sawirro iyo muuqaallo la xiriira dhibbanayaasha iyo aaskii loo sameeyey dadkii lagu laayay weerarkan, balse aysan si madax-bannaan uga xaqiijin karin tirada dhimashada iyo duruufaha weerarka.
Waxyaabaha aadka loola yaabban yahay ayaa ah in dadka deggaanku ay sheegeen in ciidamada dowladdu aysan faragelin intii weerarku socday. Mid ka mid ah dadka deggaanka ayaa xusay in xerada ciidanka difaaca Itoobiya ay goobta u jirto qiyaastii 10 daqiiqo, balse aysan ka jawaabin.