Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Ururka OWP Oo Sheegay In Weerarkii Godka Jilicoow Uu Gilgilay Kufriga Caalamiga Ah.
  • Allposts
  • Warar

Ururka OWP Oo Sheegay In Weerarkii Godka Jilicoow Uu Gilgilay Kufriga Caalamiga Ah.

November 10, 2025

The Organization for World Peace (OWP) oo ah urur laga leeyahay yahay dalka Kanada kana faallooda arrimaha amniga ayaa warbixin kasoo saaray daraasad uu ku sameeyey weerarkii dhawaan ay jihaadiyiinta Al-Shabaab ku bartilmaameedsadeen Godka Jilicow oo ah xarun sirdoonka Riddada uu ku tacdiibiyo dadka muslimiinta ah.

Weerarkan oo adhaxda ka jabiyey kooxda Riddada Gurguurte, isla markaana qoob-gariir ku riday shisheeyaha kusoo duushay dalka, ayay warbixintu ku sifaysay hawl-gal khatar ah oo gilgilay guud ahaan shisheeyaha kusoo duullay dalka iyo kuwa gobolkaba. Kuwaas oo dhammaantood ka anfariiray aadna uga xumaaday hawl-galkaasi.

Warbixintu waxay xustay in weerarkani uu qayb ka yahay dagaalka jihaadiga ah ee tobanaanka sano ka socda dalka dalka Soomaaliya, waxaanu dhacay ayay tiri bilo uun kadib, markii kooxda Al-Shabaab ay gudaha magaalada Muqdisho ku bartilmaameedsadeen madaxa kooxda Villa Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Daraasaddu waxay tilmaantay in hawl-gallada jihaadiyiinta ee la loodin la’yahay ay caqabad weyn ku noqdeen kooxda Villa Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamka oo rabay in dalkan ay ka hir-geliyaan waxa loogu yeero dimuqraadiyadda.

OWP, waxay ka sanqarisay in diidmada Al-Shabaab ee sharciyada caalamiga ah oo ay ula jeeddo dimuqraadiyadda, iyo suurto-gal la’aanta cunaqabataynnada lagu soo rogo oo dhammaantood fashilmay ay uga sii darayso xaaladda liidata ee kooxda Riddada Soomaaliya.

The Organization for World Peace waxay hoosta ka xariiqday in weerarka ay jihaadiyiintu ku beegsadeen Godka Jilicow uu dhaliyey su’aalo culus oo ku saabsan welwelka amni ee ku gedaaman dimuqraadiyadda gobolka. Waxaanu astaan u yahay ayay tiri awoodda iyo xirfadda saraysa ee hawl-gallada xoogagga Al-Shabaab.

Waxa kale oo daraasaddu ka dhawaajisay in weerarrada noocan ahi ay mar walba halis ku yihiin qaadista tallaabooyin caalami ah oo lagu xakameynayo argagixisada oo ay ula jeeddo mujaahidiinta. Waxaanay cawaaqib waara ku yeelan karaan ayay tiri nabadda dimuqraadiyadda gobolka.

Intaa waxa dheer ayaa lagu yiri warbixinta uu soo saaray urur-gaalleedka OWP, xaqiiqda ah in Al-Shabaab ay u suurtagashay in ay galaan Godka Jilicow oo ammaankiisa aad loo adkeeyey una dhow xarumaha dowladda ay muujinayso in awoodda iyo hawl-gallada jihaadiyiintu ay yihiin kuwo aad u xooggan.

Weerarradani waxay meesha ka saarayaan ayay tiri warbixintu, kalsoonidii lagu qabay kooxda Villa Somaliya, waxaanay sii xoojin karaan khilaafka ka dhex aloosan siyaasiyiinta daba-dhilifka ah iyo rajo-xumada dul-hoganaysa dimuqraadiyadda Soomaaliya.

Weerarkan ay warbixintu diiradda saartay ee dhawaan ay naftood-hureyaasha Al-Shabaab ku beegsadeen Godka Jilicow oo ah xarunta ugu weyn sirdoonka Nisa ee gobolka Banaadir, ayaa lagu khaarajiyey ugu yaraan 41 askari oo u badan sirdoonka Nisa. Waxaana lagu dhaawacay 19 kale.

Waxa kale oo weerarkankan lagu burburiyey ugu yaraan 9 gaari oo isugu jira kuwa ciidamada iyo qaar ay wateen saraakiisha Nisa. Muddadii uu hawl-galkaasi socday waxa kale oo dagaalyahannada Al-Shabaab ku guulaysteen in oodda ay ka qaadeen oo halkaasi ay kasii daayeen maxaabiis aad u badan oo iskugu jiray jihaadiyiin iyo dad shacab ah.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 19-05-1447-Hijri.
Next: Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 39 aad)

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -14-02-1448-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -14-02-1448-Hijri

July 27, 2026
Akhriso Faahfaahinta Weeraro Lagu Laayay Ciidanka Uganda Iyo Maleeshiyada Gurguurte.
  • Allposts
  • Warar

Akhriso Faahfaahinta Weeraro Lagu Laayay Ciidanka Uganda Iyo Maleeshiyada Gurguurte.

July 27, 2026
Xaaladaha Dhimasho Cudurka Ebola Ee Koongo Oo Gaaray 1,400 Oo Qof.
  • Allposts
  • Warar

Xaaladaha Dhimasho Cudurka Ebola Ee Koongo Oo Gaaray 1,400 Oo Qof.

July 27, 2026

Sawirro

Daawo: Jamciyadda Qur’aanka Kariimka Oo Qabatay Barnaamin Shahaadooyin Lagu Guddoonsiiyay Inka Badan 130 Xufaad Ah.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo: Jamciyadda Qur’aanka Kariimka Oo Qabatay Barnaamin Shahaadooyin Lagu Guddoonsiiyay Inka Badan 130 Xufaad Ah.

July 26, 2026
Daawo Sawirrada Khasaaraha Ka Dhashay Duqaymihii Maraykanku Ka Gaystay Farsooley.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Khasaaraha Ka Dhashay Duqaymihii Maraykanku Ka Gaystay Farsooley.

July 6, 2026
Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.

June 16, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.

May 29, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.

May 28, 2026
Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.

May 28, 2026
Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.

May 27, 2026
Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.

May 25, 2026
Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.

May 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada