FOREVER WARS oo ah wargeys laga leeyahay dalka Maraykanka, ayaa warbixin uu shalay baahiyey ku qiray, fashilka baaxadda leh ee Maraykanka iyo xulafadiisu ay kala kulmeen, duullaanka macatab-ku-dirirka ah ee muddada badan ay ka wadeen dalka Soomaaliya.
Waxa uu ka dhawaajiyey wargeysku in Mareykanku uu Soomaaliya ka dagaallamayay muddo ku dhow 20 sano, haddana uusan ka gaarin wax natiijo ah. Iyadoo weliba weerarrada iyo duqaymuhu ay si weyn u kordheen intii uu xilka hayay Donald Trump.
Warbixintan oo uu diyaariyey saxafi Maraykan ah laguna magacaabo Spencer Ackerman (isbensar Aakarman), ayaa xusay in dagaalkan fashilmay uu socday tan iyo 2006-dii, kadib duullaankii Itoobiya ee uu Mareykanku taageerayay, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah dagaallada ugu dheer ee Mareykanku ka galo dalka dibaddiisa.
Suxufigan oo aad loogu bartay tebinta iyo falanqaynta dagaalladii Maraykanka ee Ciraaq iyo Afganistan, ayaa qormadan ku sheegay in dagaalka ka socda Soomaaliya uu la mid yahay dagaalkii Maraykanku ku fashilmay ee uu ku qaaday dalka Afganistan.
Waxa kale oo wargeysku uu hoosta ka xariiqay in korodhka uu Trump ku sameeyey duqaymaha uu ka wado Soomaaliya ay si cad uga ka turjumayso tabar-darrida iyo awood la’aanta soo wajahday Maraykanka, isla markaana uu garwaaqsaday inuu loodin kari waayay jihaadiyiinta Al-Shabaab.
Ugu dambayn wargeysku wuxuu si weyn u dhaliilay sii socoshada duullaanka Mareykanka ee Soomaaliya, isagoo ku tilmaamay dagaal aan dhammaad lahayn oo muddo 20 sano ah socda, isla markaana aan lahayn isla xisaabtan ku filan.
Warbixintan ayaa kusoo aadaysa iyadoo horraantii bishan uu maamulka Trump si cad ugu sheegay ururka gaallada Midowga Afrika in dhammaadka sannadkan uu si dhamaystiran u soo afjarayo taageeradii saadka ee uu siin jiray hawl-galka saliibiga ah ee isbahaysiga AUSSOM.