Xilli uu ururka midowga Afrika ka niyad jabsanyahay go’aankii kasoo baxay dowladda saliibiyadda Mareykanka ee ku saabsanaa in uu jarayo qarashka ku baxa ciidamada kufaarta Afrikaanta ayay soo baxayaan walaacyo laga muujinayo mustaqbalka kooxda Riddada Soomaaliya.
Cabdiraxmaan Ceynte oo soo noqday wasiirka qorshayna iyo xiriirka caalamiga ah ee kooxda Ridada ayaa ka shanqariyay in haddii ciidamada afrikaanta ah ay isaga baxaan dalka ay burburi doonto kooxda Riddada isagoo tusaalooyin muuqda usoo qaatay sababaha keenaya.
wuxuu carrababaabay in ifafaalaha muuqdo iyo isbedellada ka jira dunida dhammaantood ay taageerayaan in ciidamada kufaarta afrikaanta ah aysan heli doonin dowlad ama urur kasii taageera dhanka zaadka oo sanad walba ay ku baxdo lacag dhan 500 malyuun oo dollar.
Tan iyo billaawgii bishan markii uu Mareykanku iclaamiyay in uu joojinayo dhammaan qarashaadkii uu ku taageerayay ciidamada soo duulayaasha Midowga Afrika ayay qeylla dhaantu isqabsatay mid Muqdisho,Addis Ababa illaa iyo Kampala iyadoona dhinacyada cadowga ah ay ka baqdin qabaan in mujaahidiintu talada lawareegaan marka ay kufaartu dalka ka cararaan.