Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Weerar Dhimasho Iyo Dhaawac Gaystay Oo Ka Dhacay Galbeedka Itoobiya.
  • Allposts
  • Warar

Weerar Dhimasho Iyo Dhaawac Gaystay Oo Ka Dhacay Galbeedka Itoobiya.

May 27, 2025

Ugu yaraan 5 qof ayaa ku dhintay tiro kalena waa ay ku dhaawacantay weerar hubaysan oo lagu beegsaday baabuur rakaab ah oo maraayay gobolka Gambella ee galbeedka Itoobiya.

Sida ay wararku tibaaxayaan baabuurka la weeraray ayaa siday rakaab tiradoodu gaaraysay 47 qof, kuwaas oo kasoo ambabaxay degmada Dimma kuna sii jeeday magaalada Pinyudo waxaanay ka tirsan yihiin gobolka Gambella.

Dadka deggaanka ayaa warbaahinta maxalliga ah ee Itoobiya u sheegay in dablay hubaysani ay rasaas oodda kaga qaadeen baabuurka, isla goobtiina ay ku geeriyoodeen 5 ruux, kuwaas oo ay ku jireen carruur iyo haween. Waxaana lagu aasay degmada Dimma.

Weerarkan ayaa dadka deggaanku ku eedeeyeen inay geysteen maleeshiyaad hubeysan oo xadka kasoo tallaabay kana soo jeeda qowmiyadda Murle oo ka mid ah beelaha dega Koonfurta Suudaan, gaar ahaan gobolka Jonglei oo soohdin la wadaaga gobolka Gambeella ee dalka Itoobiya.

Ciidanka Booliiska oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in weerarkaasi ay fuliyeen maleeshiyaad kasoo jeeda Koonfuta Suudaan, halkaasna ay ku dileen shan qof oo dirawalkii baabuurku uu ku jiro, halka toddobo kalena ay soo gaareen dhaawacyo garaab ah iyo kuwo fudud.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dhaawacyada loo daad-gureeyey, laguna daaweynayo cisbitaalka guud ee magaalo-madaxda gobolkaasi ee Gambella. Waxaanu weerarkani kusoo aadayaa maalmo uun kadib markii saraakiil ka tirsan militariga Itoobiya iyo Suudaanta Koonfureed ay yeesheen kulan ay sheegeen inay ku xoojinayaan amniga.

Maleeshiyaadka qoomiyadda Murle ee kasoo jeedda Suudaanta Koonfureed ayaa dhibaato joogto ah ku haya gobolka Gambella ee Itoobiya, gaar ahaan labada qoomiyadood ee Nuer iyo Anuak oo ka mida bulshooyinka ugu waaweyn ee gobolkaasi degta.

Weeraradan oo waqtigoodu dheeraaday ayaa isugu jira dilal, afduubka carruurta, dhaca xoolaha, iyo burburinta hantida, kuwaas oo tobankii sano ee lasoo dhaafay sababay dhibaatooyin aad u baahsan iyo xaalad amni darro ah.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo -29-11-1446-Hijri.
Next: Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -29-11-1446 Hijri.

Related Stories

Faahfaahinno Kasoo Baxaya Wasiirkii Difaaca Ee Ay Dileen Mujaahidiinta Nusratul ISlaam.
  • Allposts
  • Warar

Faahfaahinno Kasoo Baxaya Wasiirkii Difaaca Ee Ay Dileen Mujaahidiinta Nusratul ISlaam.

April 27, 2026
Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -10-Dulqicdah-1447-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -10-Dulqicdah-1447-Hijri

April 27, 2026
Akhriso Wararkii U Dambeeyay Bariga Dhexe Iyo Wadahadallada Pakistan.
  • Allposts
  • Warar

Akhriso Wararkii U Dambeeyay Bariga Dhexe Iyo Wadahadallada Pakistan.

April 27, 2026

Sawirro

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.

March 21, 2026
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.

March 20, 2026
Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.

February 10, 2026
Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).

January 22, 2026
Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.

January 18, 2026
Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.

January 18, 2026
Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.

January 16, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada