Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ee ka howlgala wilaayada Bay, waxay saacadihii lasoo dhaafay dagaal culus oo toos ah ku qaadeen saldhigga ciidamada kuffaarta xabashida Itoobiya ee degmada Diinsoor, waxaana dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kaka duwan.
Dhanka Laamu, waxay ciidamada mujaahidiintu dagaal culus ku qaadeen xerada ciidamada Kuffaarta Kenya ay kaga suganyihiin magaalada Maangaay ee gobolka Laamu ee ku hoos jira gumeysiga Kenya.
Ilo wareedyo xog-ogaal ah ayaa xaqiijiyay in dagaalkan khasaare kala duwan lagu gaarsiiyay Kuffaarta Kenya, waxay sidoo kale mujaahidiintu burbur aad u xooggan gaarsiiyeen shirkadda Safaricom oo ah shirkad ay leedahay dowladda saliibiyadda Kenya.