Dagaallo khasaare culus lagu gaarsiiyey ciidanka Xabashida Itoobiya ayaa lasoo wariyey in maalmihii lasoo dhaafay uu ka socday gobolka Amxaarada gaar ahaan deggaanno dhaca waqooyiga Wollo.
Maleeshiyaadka amxaarada ee Fano iyo ciidanka federaalka Itoobiya ayay wararku tibaaxayaan in Axaddii shalay ay isku fara-saareen deggaanka Lasta ee waqooyiga Wollo.
Fano ayaa sheegtay in dhegta dhiigga ay u dartay ugu yaraan 26 askari oo ka tirsanaa ciidanka federaalka, isla markaana ay soo furatay saanad millateri oo ay ka mid yihiin 15 qori oo AK 47 ah.
Waxa kale oo Fano ay intaasi ku dartay, in khasaaraha kadib ciidamada Itoobiya ay ku qasabtay inay isaga baxaan deggaanka Laasta ee degmada Bugna.
Sidoo kale wararku waxay sheegayaan dagaal culus oo fiidnimadii jimcaha maleeshiyaadka Fano iyo ciidanka dowladda ku dhex-maray deegaanka Sanka, ee isla waqooyiga Wollo.
Dagaalkan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayay sidoo kale Fano sheegtay in ay ku dishay ugu yaraan 30 askari oo ka tirsanaa nidaamka Abiy Axmed, hub badanna ay ku qabsadeen.
Sida uu qoray wargeyska Itoobiyaanka ah ee Borkena, ilo ku sugan deegaanka ayaa sheegay in fiidnimadii Jimcaha ay maqlayeen rasaas culus oo ay isweydaarsanayeen labada dhinac.
Dhinaca dowladda Xabashida Itoobiya ilaa hadda kama aysan hadal iska-hor-imaadyadan iyo sidoo kale sheegashada maleeshiyaadka amxaarada ee Fano.
Gelinkii hore ee isla jimcihii lasoo dhaafay ayay ahayd markii tobonaan askari oo ka tirsanaa ciidanka dowladda lagu dilay dagaallo ka dhacay degmada Dahna ee isla waqooyiga Wollo.
Dagaalladan kusii fidaya gobolka Amxaarada ayaa imanaya xilli cabsi xooggan laga qabo dagaallo mar kale dib uga qarxa gobolka Tigrey, halkaas oo diyaar-garow dagaal oo aad u xooggani uu ka socdo isla markaana ay isku hor-fadhiyaan ciidanka dowladda iyo maleeshiyaadka TPLF.