Ciidamada Mujaahidiintu, waxay saacadihii lasoo dhaafay weerar culus ku qaadeen saldhigga ciidamada kuffaarta Burundi ay ku leeyihiin magaalada Balcad, waxaana halkaas ka dhacay dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, khasaare weerarka ku gaaray saliibiyiinta ayaana jira.
Sidoo kale, ciidamada Mujaahidiintu waxay weerareen saldhigyada maleeshiyaadka murtadiita ee xaafadda Towfiiq iyo Maaya-fuulka ee magaalada Baydhaba, faahfaahin ku aaddan khasaaraha weerarka ku gaaray murtadiinta lama helin, maadaama uu weerarku dhacay xilli habeen ah.
Dhanka Banaadir, howlgal qarax ah oo ay ciidamada Mujaahidiintu ka fuliyeen Tabeellaha Sheekh Ibraahim ee dhaca duleedka magaalada Muqdisho, ayaa lala eegtay maleeshiyaad ka tirsan Riddada, waxaana jira khasaare soo gaaray murtadiinta.
Qrax kale oo ciidamada Mujaahidiintu ka fuliyeen gudaha magaalada Janaalle ayaa lala eegtay fariisin ciidan oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka tirsan Riddada, waxaana qaraxaasi ku dhaawacmay laba askari oo murtadiin ah.