Howlgal ciidamada Mujaahidiintu saacadihii lasoo dhaafay ka fuliyeen gudaha degmada Afgooye, ayaa lagu dilay murtad ashahaada la dirir ah oo lagu magacaabi jiray, Saleebaan Axmed Guudle, oo ahaa sarkaal ka tirsan maamulka Riddada ee degmada Afgooye.
Sidoo kale, qarax ciidamada Mujaahidiintu saacadihii lasoo dhaafay ka fuliyeen gudaha degmada Jannaale, ayaa lagu weeraray fariisin maleeshiyaadka Riddada ku sugnaayeen, waxaana ku dhintay qaraxaasi hal askari, waxaana ku dhaawacmay laba kale.
Askariga murtadka ah ee lagu dilay qaraxaasi waxaa lagu magacaabi jiray Daahir Cusmaan Naaxi, waxayna howlgalladan qayb ka yihiin weerarada ciidan ee ay Mujaahidiintu ku beegsanayaan saraakiisha iyo maleeshiyaadka murtadiinta ee saliibiyiinta ku garab siinaya duullaanka ka dhanka ah shareecada islaamka.