Waxaa sii xoogeystay khilaafka udhaxeeya xukuumadda dabadhilifka Turkiga iyo dowladda Siyaabiyadda Yugaandha kuwaas oo bilihii lasoo dhaafay eedaymo isku dhaafsanayay warbaahinta
War rasmi ah oo kasoo baxay taliska guud ee ciidamada xukuumadda Kampala ayaa lagu sheegay in uu go’ay xiriirkii udhaxeeyay labada dowladood islamarkaana ay muhiim tahay in muwaadiniinta Atraakta ah ay boorsooyinkooda ka xirxirtaan wadanka.
Muhoozi Kainerugaba oo ah taliyaha guud ciidamada difaaca Uganda ee loo yaqaan UPDF ayaa qoraal uusoo dhigay bartiisa X wuxuu ku sheegay in wax walba oo kala dhaxeeyay Turkiga ay soo idlaadeen.
“Waxaan horeba u jaray dhammaan xiriirradii iyo wax kasta oo la xiriira Turkida ku sugan Ugaandha, waa in ay alaabtooda soo xirxirtaan oo ay dalkeenna ka baxaan sida ugu dhakhsaha badan ee suurtogalka ah”ayuu yiri taliyaha ciidamada Yugaandha.
Wiilka uu dhalay baadari Museveni wuxuu kamid yahay mas’uuliyiinta ugu sarraysa ee talada wadanka ay ka go’do wuxuuna shacabka Yugaandheyska ah ugu baaqay in ay isugusoo baxaan afaafka hore ee safaaradad Yugaandha ee magaalada Kampala.
Inkastoo Yugaandha ay sheegayso in ay jartay xiriirka kala dhaxeeyay xukuumadda Ankara hadane weli wax jawaab celin ah kamasoo bixin wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga oo arrintan ku aaddan.