Xildhibaannada mucaaradka Riddada ee la baxay xildhibaannada xorta ah, ayaa warsaxaafadeed ay soo saareen ku diiday guddi doorasho oo ay magacowday ku simaha goddoomiyaha golaha dawaaqiidda kooxda Riddada, kaasi oo loogu talagalay in uu ka shaqeeyo doorashada guddoomiyaha cusub ee golaha dawaaqiidda Riddada.
Xubnahan ayaa bayaanka ay soo saareen ku sheegay in guddigaasi yahay mid sharci-darro ah, maadaama oo muddo xilleedka baarlamaanka uu dhamaaday 14-kii Abriil 2026.
Waxay sidoo kale sheegeen in muddo xileedka madaxa kooxda Riddana uu dhamaaday 15-kii May 2026, sidaas darteed waxay sheegeen in guddi kasta oo doorasho uu noqonayo mid sharci darro ah, maadaama aysan hay’adaha Riddadu heysan wax sharciyad ah sida ay ku doodeen.
Arintan ayaa ka dambeysay markii madaxa kooxda Ridada Xasan Gurguurte, uu guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka xukuumadda Riddada murtad Aadan Madoobe geeyay Baydhaba kana dhigay madaxa maamulkaasi, warqad kasoo baxay xafiiska guddoomiyahana lagu magacaabay guddi doorasho oo qabanqaabiya doorashada guddoomiyaha cusub ee golahaasi.