Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Howlgal Askar Badan Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Maali {WARBIXIN}.
  • Allposts
  • Warar

Howlgal Askar Badan Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Maali {WARBIXIN}.

January 12, 2023

Waxaa sii xoogaysanaya halganka jihaadka ah ee ka socdo galbeedka qaaradda Africa ee ay hurinayaan garabka jamaacada Mujaahidiinta Nusratul islaam wal muslimiin ee dalka Mali, iyagoo markan fuliyay howlgal culus oo ka dhan ah maleeshiyaadka murtazaqada Ruushka ee Fagner iyo kuwa Maali.

Wararka ka imaanaya waddanka Maali ayaa sheegaya in howlgal culus oo kamiin ah lala beegsaday kolonyo ciidamo ah oo isugu jira xukuumadda Riddada ee Maali iyo maleeshiyaadka murtazaqada Ruushka ee duullaanka ka dhanka ah diinta islaamka u jooga galbeedka Africa.

Howlgalkan oo ku billowday qarax miino ayaa ka dhacay waddada dheer ee xiriirisa deegaannada kala ah Tineco iyo Masina oo kuyaal waddanka Maali, qaraxan ayaana gallaaftay nolasho askar badan oo ka tirsan ciidamada huwanta, wallow aan tirakoob rasmi ah laga helin.

Bayyaan kasoo baxay Mujaahidiinta JNIM oo ay faafisay Mu’asasada Al-zallaqah ayaa lagu xaqiijiyay in weerarkaasi uu si wanaagsan u haleelay kolonyada huwanta ah ee isugu jira ciidamada Maali iyo murtazaqada Fagner, ka dib qaraxyada waxay isku dayeen inay sii wataan socdaalkooda balse waxay Mujaahidiintu u diyaariyeen howlgal culus.

Bayyaanka Mujaahidiinta waxaa lagu sheegay in dhaqdhaqaaqa kolonyadan oo ay si wanaagsan Mujaahidiintu ula socdeen ayna u qorsheeyeen kammiin culus oo ku billowday illaa saddex qarax oo nooca miinada dhulka lagu aaso, qaraxyada iyo weerar jidgal ka ayaa ka dhacay meel aan ka fogayn halka qaraxii hore lagula eegtay huwantan oo ah jidka isku xira Kumara iyo Masina, qaraxyada oo ahaa kuwa dhaga jebis ah ayay na mar qura ku baraarugeen kolonyada cadowga ah, ka dibna waxaa xigay weerar toos ah oo lagu beegsanayay kuwii ka badbaaday qaraxyada miinooyinka.

Mujaahidiintu waxay sheegeen in najiijada howlgalkaas ee ay dul istaageen ay Allah fadligii noqotay maydadka 5 askari oo ay ka carareen calooshood u shaqaysteyasha Fagner iyo maydadka 7 kale oo murtadiinta Maali ah, halka tobannaan kalena ay ku dhaawacmeen.

Khasaaraha dhimasho ee ay Mujaahidiintu soo bandhigeen kuma jiro maydadka ay daabusheen maleeshiyaadka huwanta ah, balse waa inta ay goobta dagaalka kaga carareen, waxayna Mujaahidiintu weerarkan qaraxyada ku billowday kusoo furteen hub iyo saanad millatari.

Sawirro ay soo bandhigtay mu’assasada Al-zallaaqah ayaa muujinayay xaddiga uu leegyahay ghanaa’imta ay Mujaahidiintu kusoo furteen howlgalkan, waxaana hubka lasoo bandhigay ka mid ahaa 2 gaari oo nooca ciidanka ah oo mid ka mid ah uu ku xirnaa qoryaha culus ee loo yaqaan Shilkaha, 2 qori PKM ah iyo 4 qori oo AK47 ah. iyo hub iyo saanad kale oo millatari.

Gabagabada bayyaanka kasoo baxay Mujaahidiinta Nusratul islaam wal muslimiin waxaa lagu sheegay in weerarka jidgalka ah ay ku shahiideen 5 walaal oo Mujaahidiin ah.

Waa khasaarihii ugu badnaa abid ee murtazaqada Ruushka ee ku duulay Maali lagu gaarsiiyo howlgallada jihaadiga ah ee ka dhanka ah huwanta duullaanka ashahaada la dirinimo ka wada waddanka Maali.

Hoos Ka Daawo Ghaniimada Dagaalka.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -19-06-1444 Hijri.
Next: Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -19-06-1444 Hijri

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -17-02-1447-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -17-02-1447-Hijri.

August 10, 2025
Saraakiil Ka Tirsan Nidaamka Abiy Axmed Oo Lagu Laayay Degaanno Ka Tirsan Amhara.
  • Allposts
  • Warar

Saraakiil Ka Tirsan Nidaamka Abiy Axmed Oo Lagu Laayay Degaanno Ka Tirsan Amhara.

August 10, 2025
Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -16-02-1447 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -16-02-1447 Hijri.

August 10, 2025

Diiwaanka Gabayada

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 25 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 25 aad)

July 26, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 24 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 24 aad)

July 18, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 23 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 23 aad)

July 13, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 22 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 22 aad)

July 5, 2025

Sawirro

Sawirro: Dad Soomaaliyeed Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Dab Ka Kacay Koonfur Africa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Dad Soomaaliyeed Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Dab Ka Kacay Koonfur Africa.

August 9, 2025
Daawo Sawirrada Raadadka Maleeshiyadii Alpha Group Ee Lagu Laayay Duleedka Afgooye.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Raadadka Maleeshiyadii Alpha Group Ee Lagu Laayay Duleedka Afgooye.

August 5, 2025
Daawo: Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin Oo Maanta La Wareegay Deegaanka Goobo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo: Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin Oo Maanta La Wareegay Deegaanka Goobo.

August 4, 2025
Daawo Qaybta 2-aad Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarka Maxaas.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Qaybta 2-aad Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarka Maxaas.

July 27, 2025
Daawo Sawirrada Sida Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin U Xoreeyeen Degmada Maxaas.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin U Xoreeyeen Degmada Maxaas.

July 27, 2025
Daawo Sida Mujaahidiintu Cagta U Mariyeen Saldhigyadii Uganda Iyo Maleeshiyada Ee Sabiid.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Mujaahidiintu Cagta U Mariyeen Saldhigyadii Uganda Iyo Maleeshiyada Ee Sabiid.

July 25, 2025
Inka Badan 30 Askari Oo Lagu Dilay Weeraro Ka Dhacay Burkiina Faso+Sawirro.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Inka Badan 30 Askari Oo Lagu Dilay Weeraro Ka Dhacay Burkiina Faso+Sawirro.

July 20, 2025
Daawo Bulshada Reer Tardo Oo Soo Dhaweyn Usameeyay Ciidamada Mujaahidiinta.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Bulshada Reer Tardo Oo Soo Dhaweyn Usameeyay Ciidamada Mujaahidiinta.

July 15, 2025
Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Tardo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Tardo.

July 13, 2025
Daawo Sawirrada Maydadka Saraakiishii Iyo Maleeshiyaadkii Lagu Laayay Weerarkii Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Maydadka Saraakiishii Iyo Maleeshiyaadkii Lagu Laayay Weerarkii Moqokori.

July 8, 2025
Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Degmada Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Degmada Moqokori.

July 7, 2025
Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Duleedka Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Duleedka Moqokori.

July 6, 2025
Daawo Mujaahidiinta Oo Si Nabad Ah Kula Wareegay Deegaanno Ku Dhow Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Mujaahidiinta Oo Si Nabad Ah Kula Wareegay Deegaanno Ku Dhow Moqokori.

July 3, 2025
Copyright © All rights reserved by Calamada