Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Kenya Oo Qiratay Weerar Gaadiid Badan Looga Gubay Oo Ka Dhacay Laamu.
  • Allposts
  • Warar

Kenya Oo Qiratay Weerar Gaadiid Badan Looga Gubay Oo Ka Dhacay Laamu.

January 18, 2023

Wargeyska Daily Nation ee laga leeyahay wadanka Kenya oo soo xiganaya saraakiil ciidan oo ka tirsan ciidamada amaanka ee dowladda Kenya ayaa sheegay in weerar hubeysan oo jihadi ah lala beegsaday kolonyo ay galbinayeen ciidamada millatariga saliibiyiinta Kenya ee loo yaqaan [KDF].

Saraakiisha ciidanka booliska oo la hadlay Wargayska Daily Nation ayaa u xaqiijiyay in weerar xooggan oo jidgal ah lala beegsaday, kolonyo ciidamo ah oo galbinaayay shaqaale ajaanib ah oo qayb ka ah dhismaha mashruuca uu dhaqaalaha badan ku baxayo ee loogu magac daray lappset.

Ugu yaraan 1 xubin ayuu xaqiijiyay sarkaal ka tirsan ciidanka Booliska, in lagu dilay howlgalka halka labo askari oo ka tirsan ciidamada millatariga saliibiyiinta Kenya ee loo yaqaan KDF-ta ay dhaawacyo halis ah soo gaareen.

Weerarka ayuu sheegay in uu si gaar ah kaga dhacay waddada dheer ee isku xirta gobollada muslimiinta ee ay Kenya xoogga ku haysato ee Laamu iyo Gaarissa, gaar ahaan meel 7 Kiiloomitiri oo qura u jirto saldhig ciidan oo ay ciidamada ammaanku ku leeyihiin Bodhai oo ka tirsan gobolka Gaarissa.

“Kolonyo ay la socdeen Shaqaale Shiineys ah iyo Shaqaale ka qayb ka ah mashurca Lappset oo ka shaqeynayay Waddada isku xirta Laamu iyo Garissa ayaa waxaa weeraray kooxo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab,” waxa sidaa Daily Nation ku yiri sarkaal ka tirsan ciidamada booliska.

Sarkaalkan Kneyaatiga ah ayaa xaqiijiyay in gaadiid badan looga gubay kolonyada weerarkan fariidka ah ee ka dhacay gobolka Laamu, isagoo xusay in gaadiidka ay Mujaahidiintu gubeen ay ka mid ahaayeen, gaadiidka ximbaara booyadaha.

Ma jirin wax gurmad ah oo ay soo sameeyeen ciidamada Kenya sida uu sheegayo sarkaalkan ka tirsan booliska saliibiyiinta Kenya, maadaama uu kolonyada ku socday weerar xooggan oo loo adeegsaday hubka culus ee ay ka midka yihiin garneellada garbaha laga tuuro.

Weerarkan kammiinka ah oo ka dhacay waddada dheere ee isku xirta magaaloyinka Ijaara iyo Bodhai ee gobolka Lamu waxay Mujaahidiintu xaqiijiyeen in lagu gubay 9 gaari oo ay galbinayeen ciidamada millatariga saliibiyiinta Kenya, Werarkan ayaana ka mid noqonaya diiwaanka howlgallada khasaaraha badan lagu gaarsiiyay Kenya ee ka dhaca gudaha dhulalka muslimiinta ee ay Kenya xoogga ku haysato.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -25-06-1444-Hijri
Next: Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo -25-6-1444-Hijri.

Related Stories

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 10-05-1448-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 10-05-1448-Hijri.

October 21, 2026
Akhriso Xogta Weeraro Lagu Beegsaday Saldhigyo Kuyaal Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Warar

Akhriso Xogta Weeraro Lagu Beegsaday Saldhigyo Kuyaal Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.

October 21, 2026
Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -10-05-1448-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -10-05-1448-Hijri

October 20, 2026

Sawirro

Daawo Sawirro Muujinaya Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Hees.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Muujinaya Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Hees.

October 10, 2026
Sawirro: Xarakada Al-Shabaab Iyo Beesha Xawaadle Oo Maxaas Ku Gaaray Heshiis Lagu Soo Afjaray Colaaddii U Dhexeysay Labada Dhinac.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Xarakada Al-Shabaab Iyo Beesha Xawaadle Oo Maxaas Ku Gaaray Heshiis Lagu Soo Afjaray Colaaddii U Dhexeysay Labada Dhinac.

October 3, 2026
Taliye Shub Oo Ku Dhaawacmay Duqayn Diyaaradeed Oo Gurigiisa Loogu Gaystay+Sawirro.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Taliye Shub Oo Ku Dhaawacmay Duqayn Diyaaradeed Oo Gurigiisa Loogu Gaystay+Sawirro.

September 4, 2026
Sawirro: Mujaahidiinta Oo Maalintii Labaad Gacanta Ku Haya Deegaanka Teedaan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Mujaahidiinta Oo Maalintii Labaad Gacanta Ku Haya Deegaanka Teedaan.

August 3, 2026
Sawirro: Barnaamijka Jamciyadda Qur’aanka Ee “Qurratu Ceyn Iyo Shahaado Guddoosiinta Xufaadda Jilib.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Barnaamijka Jamciyadda Qur’aanka Ee “Qurratu Ceyn Iyo Shahaado Guddoosiinta Xufaadda Jilib.

August 1, 2026
Daawo: Jamciyadda Qur’aanka Kariimka Oo Qabatay Barnaamin Shahaadooyin Lagu Guddoonsiiyay Inka Badan 130 Xufaad Ah.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo: Jamciyadda Qur’aanka Kariimka Oo Qabatay Barnaamin Shahaadooyin Lagu Guddoonsiiyay Inka Badan 130 Xufaad Ah.

July 26, 2026
Daawo Sawirrada Khasaaraha Ka Dhashay Duqaymihii Maraykanku Ka Gaystay Farsooley.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Khasaaraha Ka Dhashay Duqaymihii Maraykanku Ka Gaystay Farsooley.

July 6, 2026
Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.

June 16, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.

May 29, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.

May 28, 2026
Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.

May 28, 2026
Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.

May 27, 2026
Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.

May 25, 2026

Diiwaanka Gabayada

DHAGEYSO: Gabay Cusub Oo Uu Tiriyey Abwaan C/waaxid Cali Gama’diid.
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

DHAGEYSO: Gabay Cusub Oo Uu Tiriyey Abwaan C/waaxid Cali Gama’diid.

October 19, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada