Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Warshadda Soo Saarta Diyaaradaha Turkiga Oo Weerar Culus Lagu Ekeeyay.
  • Allposts
  • Warar

Warshadda Soo Saarta Diyaaradaha Turkiga Oo Weerar Culus Lagu Ekeeyay.

October 24, 2024

Koox si aad u hubeysan oo lala xiriiriyay maleeshiyada PKK ayaa gelinkii dambe ee shalay weerar xooggan ku ekeeyay shirkadda warshadaha diyaaradaha dagaalka ee dowladda Ridada Turkiga, halkaas oo lagu dilay xubno ka tirsan shqaalaha shirkaddaasi, halka kuwa kalena la dhaawacay.

Weerarkan ayaa ku billowday qarax culus, kaddibna waxaa xigay ciidamo hubeysan oo gudaha u galay dhismaha xaruunta shirkadda diyaaradaha dagaalka farsameysa ee Tusash ee kutaal duleedka magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga.

Wasiirka arrimaha gudaha ee dowladda Riddada Turkiga ayaa sheegay in weerarkii lagu qaaday shirkadda diyaaradaha iyo Hawada sare Tusash ee Ankara uu sababay dhimashada ugu yaraan afar xubnood iyo dhaawacyada 14 kale, wallow mar dambe dhimashadu gaartay 5 qof, dhaawacana uu gaaray 22 kale.

Recep Tayyip Erdogan oo ah madaxweynaha xukuumadda Riddada ee Ankara, ayaa cambaareeyay weerarkaasi, wuxuuna ku tilmaamay in uu ahaa mid argagaxiso oo lagu beegsaday jiritaanka dowladdiisa iyo dedaalladiisa difaaca.

Muuqaallo baraha bulshada lagu faafiyay daqiiqadihii ugu horreeyay weerarka ayaa muujinayay ciidamo hubeysan oo ka dhex dagaallamayay dhismaha shirkaddan soo saarta diyaaradaha dagaalka ee dowladda Turkiga ee kuyaalla duleedka magaalada Ankara, kooxda gudaha u gashay xarunta ayaa gacanta ku dhigtay oo go’doomisay dad ku sugnaa dhismaha ay weerareen, waxayna intaa kaddib dowladda Turkigu isku dayday inay joojiso muuqaallada laga helayay gudaha xaruntaasi.

Warbaahinta Turkiga waxay sheegtay in weeraran lagu qaaday shirkadda, oo ka mid ah shirkadaha ugu muhiimsan ee dalka ka shaqeeya warshadaha difaaca iyo diyaaradaha. Waxaa la soo sheegay in qarax dhacay oo laga yaabo inuu ahaa mid ismiidaamin ah iyo dagaallo goos-goos ah oo ka dhacay goobta, sidoo kale waxaa la sheegay in ay jiraan dad la afduubtay oo ay weeraryahannadu qafaasheen, kahor inta aan la mamnuucin faafinta wararka la xiriira arrinta, sida caadiga ah marka lala tacaalayo weerarrada argagixisada ee dalka.

Ilaa hadda, ma jirto cid si rasmi ah u sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi, wallow dowladda Turkiga ay weerarkaasi ku eedeeyay maleeshiyaadka PKK ee Kurdida ah, kuwaas oo weeraro waawayn ku beegsada dowladdan dabadhilifka ah, Turkigana uu ku daray waxa uu ugu yeero liiska argagaxisda.

Weerarka kaddib, dowladda Turkiga ayaa qaaday weeraro ballaaran oo dhanka cirka ah, kuwaas oo ay ku beegsatay deegaanada Kurdiyiintu deganyihiin ee waddamada Ciraaq iyo Suuriya.

Wasaaradda difaaca Turkiga waxay sheegtay inay duqeysay ilaa 32 bartilmaameed oo kooxda PKK iyo xulafadooda ku leeyihiin waqooyiga Ciraaq iyo Suuriya, waxayna sheegeen inay uga jawaabayaan weerarkii lagu beegsaday shirkadda diyaaradaha dagaalka soo saarta ee kutaal magaalada Ankara.

“Iyadoo la adeegsanayo xuquuqdeena is-difaaca ah, waxaan fulinay weerar hawada ah oo lagu beegsanayo bartilmaameedyo argagixiso oo kuyaal waqooyiga Ciraaq iyo Suuriya, waxaana ay burburiyeen 32 bartilmaameed oo ay leeyihiin argagixisada,” ayaa lagu yiri warbixinta wazaaradda difaaca Turkiga.

Duqaymaha Riddada Turkiga ee Suuriya ayaa beegsaday guryaha dadka shacanka muslimiinta ah ku leeyihiin magaalada Tal Rifcaat, sidoo kale waxa ay beegsadeen xarun ciidanka Kurdidu leeyihiin, xarun koronto oo ku taalla magaalada Koobani, iyo goobo kale oo ay ka mid tahay xarun caafimaad oo ku yaalla magaalada Qamishli.

Duqeyntii ugu xoogganayd oo ahayd tan beegsatay guriga dadka rayidka ah ay ku sugnaayeen Tal-rifcaat ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen ugu yaraan 4 qof oo rayid aan waxba galabsan ah, halka 10 kalena ku dhaawacmeen.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -21-04-1446 Hijri.
Next: Hooyo Soomaaliyeed Oo Sheegtay In Wiilkeeda Lagu Afduubtay Nairobi.

Related Stories

Rasaas ka dhacday madaarka Hargeysa xilli uu ka dhoofayay Muuse Biixi.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Rasaas ka dhacday madaarka Hargeysa xilli uu ka dhoofayay Muuse Biixi.

December 1, 2025
Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -11-06-1447-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -11-06-1447-Hijri.

December 1, 2025
Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -10-06-1447 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -10-06-1447 Hijri.

December 1, 2025

Diiwaanka Gabayada

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 41 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 41 aad)

November 26, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 40 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 40 aad)

November 17, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 39 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 39 aad)

November 10, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 38 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 38 aad)

November 1, 2025

Sawirro

Daawo Sawirrada Burburka Gaari Laga Qarxiyay Baangaraafta.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Burburka Gaari Laga Qarxiyay Baangaraafta.

November 30, 2025
Sawirro: Maraykanka Iyo Murtazaqadiisa Oo Dad Shacab Ah Ku Xasuuqay Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Maraykanka Iyo Murtazaqadiisa Oo Dad Shacab Ah Ku Xasuuqay Jammaame.

November 16, 2025
Warbixin+Sawirro: Mujaahidiinta Nusratul Islaam Oo Cagta Mariyay Saldhig Millatari.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Warbixin+Sawirro: Mujaahidiinta Nusratul Islaam Oo Cagta Mariyay Saldhig Millatari.

November 12, 2025
Mujaahidiinta Jaziiratul Carab Oo Howlgal Istishhaadi Iyo Inqimasi Ku Qaaday Talis Milatari+Sawirro.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Mujaahidiinta Jaziiratul Carab Oo Howlgal Istishhaadi Iyo Inqimasi Ku Qaaday Talis Milatari+Sawirro.

October 24, 2025
Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarkii Degmada Ceeldheer.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarkii Degmada Ceeldheer.

September 12, 2025
Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Furashada Mujaahidiinta Ee Degmada Ceeldheer.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Furashada Mujaahidiinta Ee Degmada Ceeldheer.

September 12, 2025
Sawirro: Inka Badan 320 Qof Oo Roobab Mahiigaan Ah Ugu Dhintay Pakistan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Inka Badan 320 Qof Oo Roobab Mahiigaan Ah Ugu Dhintay Pakistan.

August 17, 2025
Sawirro: Dad Soomaaliyeed Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Dab Ka Kacay Koonfur Africa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Dad Soomaaliyeed Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Dab Ka Kacay Koonfur Africa.

August 9, 2025
Daawo Sawirrada Raadadka Maleeshiyadii Alpha Group Ee Lagu Laayay Duleedka Afgooye.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Raadadka Maleeshiyadii Alpha Group Ee Lagu Laayay Duleedka Afgooye.

August 5, 2025
Daawo: Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin Oo Maanta La Wareegay Deegaanka Goobo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo: Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin Oo Maanta La Wareegay Deegaanka Goobo.

August 4, 2025
Daawo Qaybta 2-aad Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarka Maxaas.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Qaybta 2-aad Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarka Maxaas.

July 27, 2025
Daawo Sawirrada Sida Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin U Xoreeyeen Degmada Maxaas.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin U Xoreeyeen Degmada Maxaas.

July 27, 2025
Daawo Sida Mujaahidiintu Cagta U Mariyeen Saldhigyadii Uganda Iyo Maleeshiyada Ee Sabiid.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Mujaahidiintu Cagta U Mariyeen Saldhigyadii Uganda Iyo Maleeshiyada Ee Sabiid.

July 25, 2025
Copyright © All rights reserved by Calamada