Wefti uu hoggaaminayo wasiirka waxay ugu yeeraan arrimaha dibadda maamulka Riddada ee Somaliland murtadka lagu magacaabo Cabdiraxmaan Daahir Aadan, ayaa booqasho qaadatay muddo dhowr cisho ah ku tagay magaalo-madaxda Itoobiya ee Addis Ababa.
Booqashadan oo bilaabantay Khamiistii lasoo dhaafay socotayna ilaa Axaddii shalay ayaa lagu soo warramayaa in weftigan ka socday ashahaado-la-dirirka Somaliland ay muddadaasi kulano fool-ka-fool ah la yeesheen madaxda dowladda Xabashida Itoobiya.
Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya ayaa qaabilay weftigan ka socday Somaliland, waxaana sida warbaahinta loosoo bandhigay kulankaasi looga hadlay wax ay ku sheegeen kor u qaadista iskaashiga xiriirka diblomaasiyadeed iyo derisnimo ee ka dhexeeya labada dhinac.
Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa la filayaa in bisha soo socota uu booqashooyin rasmiya ugu kala bixi doono dalalka dhaca galbeedka qaaradda Afrika, sida uu dhawaan baahiyey Wargeyska The Times Of Israel oo ka mida warbaahinta ugu afka dheer Yahuudda.
Wargeysku waxa uu intaas raaciyey in qorshaha wasiirku uu soo baxay ayuu maalin uun kadib markii dhawaan safiirka Ghana uu booqday Somaliland, taasoo hordhac u ah ayuu yiri ol’ole ballaaran oo diblumaasiyadeed oo aqoonsi-raadin ah oo ku waajahan galbeedka Afrika.
Leexashada Somaliland ee ku wajahan Galbeedka Afrika kama tarjumayso oo kaliya ayuu yiri wargeysku himilo juquraafiyeed, balse waxay muujinaysaa suurtagalnimada in Somaliland ay ku biirto isbahaysi goboleed cusub oo is beddelaya, maadaama dalalka Mali, Burkina Faso iyo Niger ay si rasmi ah uga baxeen urur-goboleedka ECOWAS.
Wargeyskan Sahaayuuniyada ayaa sidoo kale daaha ka rogay in kulankii dhawaan magaalada Nairobi ku dhex-maray madaxweynaha riddada Somaliland C/Raxmaan-Cirro iyo Madaxweynaha dowladda Saliibiya Kenya William Ruto, lagu gaaray ayuu yiri oggolaansho aan si rasmi ah loo shaacin oo ku saabsan furitaanka xafiis wakiilnimo oo Somaliland ku yeelato caasimadda Kenya.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee riddada Somaliland, ayuu wargeysku sheegay in sidoo kale uu dhawaan uu soo dhamaystiray booqasho uu ku tagay Maraykanka, taasoo horudhac u ah ayuu yiri safar rasmi ah oo la filayo in C/Raxmaan-Cirro uu dhawaan ku tagi magaalo-madaxda Maraykanka ee Washington DC.
Ilo diblumaasiyadeed oo heer sare ah ayaa wargeyska uu sheegay in uu kasoo xigtay in booqashada wasiirka ee Maraykanku ay ahayd mid si wanaagsan loo soo dhoweeyey, taasoo calaamad u ah ayay yiri, marxalad muhiim ah oo uu gaaray ololaha muddada dheer soo jiitamayay ee Somaliland ugu jirtay helista aqoonsi rasmi ah.
Maalmahan u dambeeyey ee weftigan ka socday Somaliland ay ku sugnaayeen Addis Ababa waxaa isla magaaladaasi booqasho ku joogay taliyaha ciidamada Maraykanka ee Afrika gaalka lagu magacaabo Michael Langley, kaas oo maalmihii ka horeysayna booqday Hargeysa iyo Berbera.
The Reporter oo ah majallad todobaadle ah oo laga leeyahay Itoobiya ayaa sheegtay in tallaabada uu Maraykanku doonayo inuu ku aqoonsado Somaliland ay ka dhalan doonto natiijo fiican oo dhabbaha u xaaraysa hir-gelinta damaca badeed ee Itoobiya.
Wargeyskan Itoobiyaanka ah ayaa farta ku fiiqay in dalka Itoobiya uu rajeynayo in marinka cidhiidhiga ah ee ku teedsan xeebta woqooyi ee Somaliland uu noqon karo marin badeedkii ay muddada dheer ku taamayeen.