Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Wefti Ka Socda Maamulka Cabdiraxmaan Cirro Oo Booqasho Ku Tagay Addis-ababa.
  • Allposts
  • Warar

Wefti Ka Socda Maamulka Cabdiraxmaan Cirro Oo Booqasho Ku Tagay Addis-ababa.

June 23, 2025

Wefti uu hoggaaminayo wasiirka waxay ugu yeeraan arrimaha dibadda maamulka Riddada ee Somaliland murtadka lagu magacaabo Cabdiraxmaan Daahir Aadan, ayaa booqasho qaadatay muddo dhowr cisho ah ku tagay magaalo-madaxda Itoobiya ee Addis Ababa.

Booqashadan oo bilaabantay Khamiistii lasoo dhaafay socotayna ilaa Axaddii shalay ayaa lagu soo warramayaa in weftigan ka socday ashahaado-la-dirirka Somaliland ay muddadaasi kulano fool-ka-fool ah la yeesheen madaxda dowladda Xabashida Itoobiya.

Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya ayaa qaabilay weftigan ka socday Somaliland, waxaana sida warbaahinta loosoo bandhigay kulankaasi looga hadlay wax ay ku sheegeen kor u qaadista iskaashiga xiriirka diblomaasiyadeed iyo derisnimo ee ka dhexeeya labada dhinac.

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa la filayaa in bisha soo socota uu booqashooyin rasmiya ugu kala bixi doono dalalka dhaca galbeedka qaaradda Afrika, sida uu dhawaan baahiyey Wargeyska The Times Of Israel oo ka mida warbaahinta ugu afka dheer Yahuudda.

Wargeysku waxa uu intaas raaciyey in qorshaha wasiirku uu soo baxay ayuu maalin uun kadib markii dhawaan safiirka Ghana uu booqday Somaliland, taasoo hordhac u ah ayuu yiri ol’ole ballaaran oo diblumaasiyadeed oo aqoonsi-raadin ah oo ku waajahan galbeedka Afrika.

Leexashada Somaliland ee ku wajahan Galbeedka Afrika kama tarjumayso oo kaliya ayuu yiri wargeysku himilo juquraafiyeed, balse waxay muujinaysaa suurtagalnimada in Somaliland ay ku biirto isbahaysi goboleed cusub oo is beddelaya, maadaama dalalka Mali, Burkina Faso iyo Niger ay si rasmi ah uga baxeen urur-goboleedka ECOWAS.

Wargeyskan Sahaayuuniyada ayaa sidoo kale daaha ka rogay in kulankii dhawaan magaalada Nairobi ku dhex-maray madaxweynaha riddada Somaliland C/Raxmaan-Cirro iyo Madaxweynaha dowladda Saliibiya Kenya William Ruto, lagu gaaray ayuu yiri oggolaansho aan si rasmi ah loo shaacin oo ku saabsan furitaanka xafiis wakiilnimo oo Somaliland ku yeelato caasimadda Kenya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee riddada Somaliland, ayuu wargeysku sheegay in sidoo kale uu dhawaan uu soo dhamaystiray booqasho uu ku tagay Maraykanka, taasoo horudhac u ah ayuu yiri safar rasmi ah oo la filayo in C/Raxmaan-Cirro uu dhawaan ku tagi magaalo-madaxda Maraykanka ee Washington DC.

Ilo diblumaasiyadeed oo heer sare ah ayaa wargeyska uu sheegay in uu kasoo xigtay in booqashada wasiirka ee Maraykanku ay ahayd mid si wanaagsan loo soo dhoweeyey, taasoo calaamad u ah ayay yiri, marxalad muhiim ah oo uu gaaray ololaha muddada dheer soo jiitamayay ee Somaliland ugu jirtay helista aqoonsi rasmi ah.

Maalmahan u dambeeyey ee weftigan ka socday Somaliland ay ku sugnaayeen Addis Ababa waxaa isla magaaladaasi booqasho ku joogay taliyaha ciidamada Maraykanka ee Afrika gaalka lagu magacaabo Michael Langley, kaas oo maalmihii ka horeysayna booqday Hargeysa iyo Berbera.

The Reporter oo ah majallad todobaadle ah oo laga leeyahay Itoobiya ayaa sheegtay in tallaabada uu Maraykanku doonayo inuu ku aqoonsado Somaliland ay ka dhalan doonto natiijo fiican oo dhabbaha u xaaraysa hir-gelinta damaca badeed ee Itoobiya.

Wargeyskan Itoobiyaanka ah ayaa farta ku fiiqay in dalka Itoobiya uu rajeynayo in marinka cidhiidhiga ah ee ku teedsan xeebta woqooyi ee Somaliland uu noqon karo marin badeedkii ay muddada dheer ku taamayeen.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -27-12-1446 Hijri.
Next: Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 20 aad)

Related Stories

Dhagayso Andalus Podcast: MaxaaLaga Xasuustaa Tajribadii Xerada Qaxootiga Aala-Yaasir Ee Laga Hirgeliyey Wilaayada Sh/hoose.
  • Allposts
  • PODCASTS

Dhagayso Andalus Podcast: MaxaaLaga Xasuustaa Tajribadii Xerada Qaxootiga Aala-Yaasir Ee Laga Hirgeliyey Wilaayada Sh/hoose.

June 11, 2026
Aadan Madoobe Oo Noqday Hoggaamiyaha Cusub Ee Maamulka ‘Koonfur-galbeed’.
  • Allposts
  • Warar

Aadan Madoobe Oo Noqday Hoggaamiyaha Cusub Ee Maamulka ‘Koonfur-galbeed’.

June 11, 2026
Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 25-12-1447-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 25-12-1447-Hijri.

June 11, 2026

Sawirro

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.

May 29, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.

May 28, 2026
Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.

May 28, 2026
Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.

May 27, 2026
Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.

May 25, 2026
Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.

May 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.

March 21, 2026
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.

March 20, 2026
Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.

February 10, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada