Madaxweynaha dawladda Riddada Masar, C/Fataax As-siisi ayaa si adag uga hor-yimid mashruuca biyo-xireenka Al-Nahda ee dawladda Xabashida Itoobiya ay ka hir-gelisay webiga Niil, kaas oo dhawaan ay si rasmiya xariga uga jartay.
Murtad C/Fataax As-siisi ayaa tilmaamay in caqabado dhinaca biyaha ah oo ay wajahayaan, isagoo tilmaamaya muhimmadda ballaaran ee Webiga Niil uu ugu fadhiyo shucuubta reer Masar ayaa waxa uu yiri:
Madaxweynaha Masar ayaa yiri “Masar waxay la kulmeysaa caqabado waaweyn oo dhanka biyaha ah, maadaama biyuhu ay yihiin arrin muhiim u ah jiritaanka, oo saameysa nolosha in ka badan boqol milyan oo muwaadin, kuwaas oo in ka badan 98% ku tiirsan hal il, oo ka timaadda meel ka baxsan xuduudaha, kaas oo ah webiga Niil…”
Kalimaddiisan oo ahayd muuqaal ayuu Siisi ku sheegay in dawladda Masar ay si adag uga soo hor-jeeddo biyo-xireenka Itoobiya ka hir-gelisay webiga Niil, waxaanu ku tilmaamay mashruuc khatar ku ah xasilloonida gobolka iyo danaha shucuubta ku dhaqan dalalka uu maro webiga Niil.
Al-siisii ayaa ayaa sii raaciyay “Masar waxay si cad oo adag u sheegaysaa inay si buuxda u diiddan tahay tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo laga qaado webiga Niil, taas oo iska indha tiraysa xeerarka iyo heshiisyada caalamiga ah, khatarna gelinaysa danaha shucuubta ku nool dooxada webiga, isla markaana wiiqaysa mabaadi’da caddaaladda iyo xasilloonida.
Waxa kale oo murtadkani uu ka sanqariyey in natiijo la’aan ay ku soo idlaadeen wada-hadal muddo 14 sano ah u socday labada dal, waxaanu C/Fataax As-siisi carabaabay in dawladda Xabashida Itoobiya ay diidmo qayaxan kala hor-tagtay isla markaana ay fashilisay wada-xaajoodyadaasi muddada dheer soo jiitamayay.
“Muddo afar iyo toban sano ah, Masar waxay la gashay dhinaca Itoobiya wada-xaajoodyo adag oo joogto ah, Intii lagu jiray sannadahan, Masar waxay soo bandhigtay dhowr farsamo oo dhab ah oo xal noqon kara, kuwaas oo buuxinayay yoolalka Itoobiya ee la shaaciyay, isla markaana ilaalinayay danaha labada dal ee wabiga uu ku dhamaado. Laakiin dadaalladan waxaa lagu wajahay diidmo iyo madax-adayg mutuxan oo aan lahayn wax sharraxaad ah” ayuu yiri Siisii.
Madaxweynaha Masar waxa uu ka dhawaajiyey in ay jiraan sheegashooyin been-abuur ah oo kasoo yeeraya dhinaca Itoobiya. Waxaanu gef ku tilmaamay in Itoobiya ay kaligeed isku koobto isticmaalka webiga Niil, oo uu sheegay in uu yahay hanti la wada leeyahay oo ay wadaagaan dhamaan dalalka uu maro oo dhan, cid-na aanay si gaar ah u sheegan karin.
Waxa uu C/Fataax As-siisi ku goodiyey in dawladda Masar aanay gacmaha ka laaban doonin haddii Itoobiya joojin waydo ayuu yiri hab-dhaqankan mas’uuliyad-darrada ah ee ay waddo, isagoo shaaciyey in ay qaadi doonaan wixii tallaabo ah ee looga fursan waayo ilaalinta danaha iyo amniga biyaha ee dalka. COD4 SIISI.
Ku dhawaad bil ka hor ayay ahayd markii dawladda Xabashida Itoobiya ay si rasmiya xarigga uga jartay biyo-xireenkan uu khilaafka xooggani ka taagan yahay, oo tan iyo bilowgiisii saamayn taban ku yeeshay dalalka Masar iyo Suudaan.