Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Madaxweynaha Masar Oo Si Adag Uga Hor-yimid Biyo-xireenka Itoobiya.
  • Allposts
  • Warar

Madaxweynaha Masar Oo Si Adag Uga Hor-yimid Biyo-xireenka Itoobiya.

October 13, 2025

Madaxweynaha dawladda Riddada Masar, C/Fataax As-siisi ayaa si adag uga hor-yimid mashruuca biyo-xireenka Al-Nahda ee dawladda Xabashida Itoobiya ay ka hir-gelisay webiga Niil, kaas oo dhawaan ay si rasmiya xariga uga jartay.

Murtad C/Fataax As-siisi ayaa tilmaamay in caqabado dhinaca biyaha ah oo ay wajahayaan, isagoo tilmaamaya muhimmadda ballaaran ee Webiga Niil uu ugu fadhiyo shucuubta reer Masar ayaa waxa uu yiri:

Madaxweynaha Masar ayaa yiri “Masar waxay la kulmeysaa caqabado waaweyn oo dhanka biyaha ah, maadaama biyuhu ay yihiin arrin muhiim u ah jiritaanka, oo saameysa nolosha in ka badan boqol milyan oo muwaadin, kuwaas oo in ka badan 98% ku tiirsan hal il, oo ka timaadda meel ka baxsan xuduudaha, kaas oo ah webiga Niil…”

Kalimaddiisan oo ahayd muuqaal ayuu Siisi ku sheegay in dawladda Masar ay si adag uga soo hor-jeeddo biyo-xireenka Itoobiya ka hir-gelisay webiga Niil, waxaanu ku tilmaamay mashruuc khatar ku ah xasilloonida gobolka iyo danaha shucuubta ku dhaqan dalalka uu maro webiga Niil.

Al-siisii ayaa ayaa sii raaciyay “Masar waxay si cad oo adag u sheegaysaa inay si buuxda u diiddan tahay tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo laga qaado webiga Niil, taas oo iska indha tiraysa xeerarka iyo heshiisyada caalamiga ah, khatarna gelinaysa danaha shucuubta ku nool dooxada webiga, isla markaana wiiqaysa mabaadi’da caddaaladda iyo xasilloonida.

Waxa kale oo murtadkani uu ka sanqariyey in natiijo la’aan ay ku soo idlaadeen wada-hadal muddo 14 sano ah u socday labada dal, waxaanu C/Fataax As-siisi carabaabay in dawladda Xabashida Itoobiya ay diidmo qayaxan kala hor-tagtay isla markaana ay fashilisay wada-xaajoodyadaasi muddada dheer soo jiitamayay.

“Muddo afar iyo toban sano ah, Masar waxay la gashay dhinaca Itoobiya wada-xaajoodyo adag oo joogto ah, Intii lagu jiray sannadahan, Masar waxay soo bandhigtay dhowr farsamo oo dhab ah oo xal noqon kara, kuwaas oo buuxinayay yoolalka Itoobiya ee la shaaciyay, isla markaana ilaalinayay danaha labada dal ee wabiga uu ku dhamaado. Laakiin dadaalladan waxaa lagu wajahay diidmo iyo madax-adayg mutuxan oo aan lahayn wax sharraxaad ah” ayuu yiri Siisii.

Madaxweynaha Masar waxa uu ka dhawaajiyey in ay jiraan sheegashooyin been-abuur ah oo kasoo yeeraya dhinaca Itoobiya. Waxaanu gef ku tilmaamay in Itoobiya ay kaligeed isku koobto isticmaalka webiga Niil, oo uu sheegay in uu yahay hanti la wada leeyahay oo ay wadaagaan dhamaan dalalka uu maro oo dhan, cid-na aanay si gaar ah u sheegan karin.

Waxa uu C/Fataax As-siisi ku goodiyey in dawladda Masar aanay gacmaha ka laaban doonin haddii Itoobiya joojin waydo ayuu yiri hab-dhaqankan mas’uuliyad-darrada ah ee ay waddo, isagoo shaaciyey in ay qaadi doonaan wixii tallaabo ah ee looga fursan waayo ilaalinta danaha iyo amniga biyaha ee dalka. COD4 SIISI.

Ku dhawaad bil ka hor ayay ahayd markii dawladda Xabashida Itoobiya ay si rasmiya xarigga uga jartay biyo-xireenkan uu khilaafka xooggani ka taagan yahay, oo tan iyo bilowgiisii saamayn taban ku yeeshay dalalka Masar iyo Suudaan.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 21-04-1447-Hijri.
Next: Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -21-04-1447 Hijri.

Related Stories

Daawo Qaybta 27-aad Gurmadka Mujaahidiintu Gaarsiiyeen Dadka Abaaruhu Saameeyeen.
  • Allposts
  • Maqal & Muuqaal

Daawo Qaybta 27-aad Gurmadka Mujaahidiintu Gaarsiiyeen Dadka Abaaruhu Saameeyeen.

June 11, 2026
Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -26-12-1447-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -26-12-1447-Hijri

June 11, 2026
Daawo Qaybta 2-aad Tartanka Taajul Quraa Sannadka 1447.
  • Allposts
  • Maqal & Muuqaal

Daawo Qaybta 2-aad Tartanka Taajul Quraa Sannadka 1447.

June 11, 2026

Sawirro

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.

May 29, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.

May 28, 2026
Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.

May 28, 2026
Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.

May 27, 2026
Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.

May 25, 2026
Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.

May 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.

March 21, 2026
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.

March 20, 2026
Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.

February 10, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada