Ciidamada mujaahidiintu waxay maanta weerar culus oo kamiin ah u dhigeen maleeshiyaad murtadiin lug ah oo ku socdaalayay agagaarka deegaanka Baar-sanguuni ee dhaca duleedka magaalada Kismaayo, halkaas oo khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac lagu gaarsiiyay maleeshiyada Riddada.
Howlgalkan barakaysan ee kamiinka ah waxaa inta la hubiyay lagu dilay laba murtad, kuwaas oo mid ka mid ah uu yahay sarkaal taliye Unug ah oo lagu magacaabi jiray Maxamuud Xasanow Xasan iyo askari kale oo lagu magacaabi jiray Maxamed Axmed Raabi.
Askariga murtadka ah ee sarkaalka lala dilay ayaa ka howlgalayay xabsiga Fi’ad oo ah xabsi si aad ah loogu tacdiibiyo dadka muslimiinta ah ee ku dhaqan magaalada Kismaayo, waxaa sidoo kale howlgalkan kamiinka ah lagu dhaawacay inta la hubiyay 5 askari oo murtadiin ah.