Xildhibaankaan oo ka tirsan baarlamaanka ridada Puntland ayaa hadal uu ka jeediyey kulan ay ku yeesheen golaha dawaaqiida Puntland magaalada Garoowe wuxuu uga hadlay xaalada magaalada Gaalkacyo iyo sida ay ugu soo badanayaan Daroogada iyo Maandooriyaasha.
Wuxuu sheegay murtadkaan in magaalada Gaalkacyo ay kusoo arkeen dukaamo iyo guryo lagu iibinayo Khamriga iyo Maandooriyaasha kale.
Xildhibaankaan ayaa sidoo kale sheegay in arrintaasi ay sabab u yihiin oo ay fududeeyaan saraakiil iyo madax ka tirsan maamulka ridada ee Puntland.
Deegaanada ay ka taliyaan maamulada ridada ee waxaa aad ugu soo badanaya Daroogada iyo Maandooriyaha taasoo u sabab ah inayba ka ganacsadaan,sidoo kalana dalka soo galiya Daroogada.
Sidoo kale Maandooriyaasha ayaa waxaa aad u isticmaala maleeshiuaatka ridada, iyadoona xiliyada ay soo isticmaalaan ay dhibaatooyin u geystaan shacabka muslimiinta ee ku dhaqan deegaanadaasi.