Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Maamulka Yahuudda Oo Sheegay In Uu Dowlad U Aqoonsaday Maamulka ‘Somaliland’.
  • Allposts
  • Warar

Maamulka Yahuudda Oo Sheegay In Uu Dowlad U Aqoonsaday Maamulka ‘Somaliland’.

December 26, 2025

R/Wasaaraha maamulka sahaayinada Benjamin Netanyahu ayaa gelinkii dambe ee maanta ku dhawaaqay in dal ka madax-bannaan Soomaaliya inteeda kale u aqoonsadeen maamulka ashahaado-la-dirirka Somaliland.

Xafiiska RW Yahuudda ayaa si rasmiya u shaaciyey bayaan lagu sheegay in Netanyahu iyo Sa’ar oo ah wasiirkiisa Arrimaha dibadda, iyo sidoo kale Murtad C/Raxmaan-Cirro ay si wada-jir ah qalinka ugu duugeen heshiiska Abraham.

Heshiiskan oo lagu sheegay is-afgarad ayaa lagu saxiixay hindisaha Donald Trump, kaas oo bud-dhige ka ahaa heshiiskan oo qorshihiisu yahay in lagu caadiyeeyo xiriirka Yahuuddda iyo Muslimiinta.

Netanyahu ayaa hambalyo u diray C/Raxmaan-Cirro, waxaana sida lagu sheegay bayaanka uu ku casuumay booqasho rasmi ah oo uu ku tago deegaannada maamulkaasi xoogga kaga haystao muslimiinta reer Falastiin.

Sida lagu xusay bayaanka Cirro ayaa isna dhinkiisa Netanyahu uga mahad-celiyey aqoonsiga Somaliland, waxaanu ku tilmaamay guul laga gaaray wax uu ugu yeeray la-dagaallanka argagaixisada.

RW Netanyahu ayaa wasiirkiisa Arrimaha dibadda Sa’ar, Madaxa Mossad David Barnea iyo hay’adda Mossad lafteedaba ku ammaanay doorkii ay ka qaateen arrinta aqoonsiga Somaliland.

Bayaanka waxa lagu sheegay in Yahuuddu ay si deg-deg ah u ballaarinayso xiriirka ay la leedahay Somaliland, siina kordhanayso iskaashiga beeraha, caafimaadka, tiknoolajiyada iyo dhaqaalaha.

Geesta kale bayaan lagu soo dhaweeyey tallaabada Yahuudda ayaa kasoo baxay xafiiska madaxtooyada maamulka Somaliland, kaas oo lagu sheegay in kulan fogaan-arag ah uu dhex-maray Cirro iyo Netanyahu, ka hor intaan lagu dhawaaqin go’aankan.

Kulankan ayay Somaliland sheegtay in lagu muujiyey is-afgarad siyaasadeed iyo istaraatiiji isla markaana la isku afgartay bilaabista weji cusub oo lagu xoojinayo xiriirka labada dhinac.

Aqoonsigan ayay madaxtooyada Somaliland ku sifaysay bog cusub oo u furmay, oo ku aaddan iskaashi caalami ah, sida amniga, dhaqaalaha iyo waxay ku sheegeen xasiloonida Geeska Afrika.

Dad badan ayaa aad uga fal-celiyey aqoonsiga ay Yahuuddu siisay maamulka Somailland, waxaana ka mida boqor Cismaan Buur-madow oo ka tirsan hoggaanka ugu cad-cad ee dhaqanka Somaliland.

Buur-madow waxa uu sheegay inuu aad soo dhawaynayo go’aanka Yahuudda, waxaanu reer Somaliland ugu baaqay in wiilashooda ay ugu magac-daraan RW Netanyahu, iyo magacyada madaxda kale ee Yahuudda.

Sidoo kale waddooyinka magaalooyinka waaweyn ee Somaliland ayuu Buur-madow ku baaqay in loo bixiyo magacyada magaalooyinka Talaabiib iyo Xayfa oo ka mida dhulka muslimiinta ee Yahuuddu ay xoogga ku haysato, isagoo doonayo in Sahaayinada uu ku raalli-geliyo.

Tallaabadan ayaa imanaysa kadib qorshayaal dhagaraysan oo Sahaayinada iyo Maraykanku ay damacsan yihiin inay kula wareegaan dekedda istaraatiijiga ah ee Berbera, iyagoo halkaasi ka dhiganaya saldhigyo ay kasii joogteeyaan xasuuqqa ay ku hayaan guud ahaan muslimiinta, gaar ahaan reer Falastiin.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhagayso Barnaamijka Toosinta Ubadka 07-Rajab-1447-Hijri.
Next: Halkan Ka Dhagayso Barnaamijka Raad-raaca Toddobaadka 07-07-1447 Hijri.

Related Stories

Weerar 7 Askari Lagu Dilay Oo Caawa Ka Dhacay Garasbaalley, Duleedka Muqdisho.
  • Allposts
  • Warar

Weerar 7 Askari Lagu Dilay Oo Caawa Ka Dhacay Garasbaalley, Duleedka Muqdisho.

January 15, 2026
Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -27-07-1447-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -27-07-1447-Hijri

January 15, 2026
Dab Khasaare Baaxad Leh Gaystay Oo Ka Kacay Suuq Kuyaal Buurhakaba.
  • Allposts
  • Warar

Dab Khasaare Baaxad Leh Gaystay Oo Ka Kacay Suuq Kuyaal Buurhakaba.

January 15, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026

Sawirro

Daawo Maydadka Maleeshiyadii Maanta Lagu Laayay Duleedka Deegaanka No/60 Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Maydadka Maleeshiyadii Maanta Lagu Laayay Duleedka Deegaanka No/60 Ee Sh/hoose.

January 14, 2026
Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Gedo.

January 13, 2026
Sawirro: Bannaanbaxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Bannaanbaxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.

January 12, 2026
Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.

January 10, 2026
Sawirro: Maraykanka Oo Duqayn Ku Burburiyay Warshaddii Biyaha Daruur Ee Saakow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Maraykanka Oo Duqayn Ku Burburiyay Warshaddii Biyaha Daruur Ee Saakow.

January 9, 2026
Daawo Howlgalkii Lagu Khaarajiyay Mujrimkii Ka Dambeeyay Xasuuqii Shacabka Jamaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Howlgalkii Lagu Khaarajiyay Mujrimkii Ka Dambeeyay Xasuuqii Shacabka Jamaame.

January 5, 2026
Daawo Sawirro: Ciidamada Mujaahidiinta Oo La Wareegay Deegaanno Ka Tirsan Sh/dhexe.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro: Ciidamada Mujaahidiinta Oo La Wareegay Deegaanno Ka Tirsan Sh/dhexe.

December 31, 2025
Sawirro: Beesha Biyamaal Oo Suldaan Cusub Ku Caleemo-saaratay Kurtun-waarrey.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Beesha Biyamaal Oo Suldaan Cusub Ku Caleemo-saaratay Kurtun-waarrey.

December 20, 2025
Daawo Sawirrada Burburka Gaari Laga Qarxiyay Baangaraafta.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Burburka Gaari Laga Qarxiyay Baangaraafta.

November 30, 2025
Sawirro: Maraykanka Iyo Murtazaqadiisa Oo Dad Shacab Ah Ku Xasuuqay Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Maraykanka Iyo Murtazaqadiisa Oo Dad Shacab Ah Ku Xasuuqay Jammaame.

November 16, 2025
Warbixin+Sawirro: Mujaahidiinta Nusratul Islaam Oo Cagta Mariyay Saldhig Millatari.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Warbixin+Sawirro: Mujaahidiinta Nusratul Islaam Oo Cagta Mariyay Saldhig Millatari.

November 12, 2025
Mujaahidiinta Jaziiratul Carab Oo Howlgal Istishhaadi Iyo Inqimasi Ku Qaaday Talis Milatari+Sawirro.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Mujaahidiinta Jaziiratul Carab Oo Howlgal Istishhaadi Iyo Inqimasi Ku Qaaday Talis Milatari+Sawirro.

October 24, 2025
Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarkii Degmada Ceeldheer.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarkii Degmada Ceeldheer.

September 12, 2025
Copyright © All rights reserved by Calamada