Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Maamulka Yahuudda Oo Sheegay In Uu Dowlad U Aqoonsaday Maamulka ‘Somaliland’.
  • Allposts
  • Warar

Maamulka Yahuudda Oo Sheegay In Uu Dowlad U Aqoonsaday Maamulka ‘Somaliland’.

December 26, 2025

R/Wasaaraha maamulka sahaayinada Benjamin Netanyahu ayaa gelinkii dambe ee maanta ku dhawaaqay in dal ka madax-bannaan Soomaaliya inteeda kale u aqoonsadeen maamulka ashahaado-la-dirirka Somaliland.

Xafiiska RW Yahuudda ayaa si rasmiya u shaaciyey bayaan lagu sheegay in Netanyahu iyo Sa’ar oo ah wasiirkiisa Arrimaha dibadda, iyo sidoo kale Murtad C/Raxmaan-Cirro ay si wada-jir ah qalinka ugu duugeen heshiiska Abraham.

Heshiiskan oo lagu sheegay is-afgarad ayaa lagu saxiixay hindisaha Donald Trump, kaas oo bud-dhige ka ahaa heshiiskan oo qorshihiisu yahay in lagu caadiyeeyo xiriirka Yahuuddda iyo Muslimiinta.

Netanyahu ayaa hambalyo u diray C/Raxmaan-Cirro, waxaana sida lagu sheegay bayaanka uu ku casuumay booqasho rasmi ah oo uu ku tago deegaannada maamulkaasi xoogga kaga haystao muslimiinta reer Falastiin.

Sida lagu xusay bayaanka Cirro ayaa isna dhinkiisa Netanyahu uga mahad-celiyey aqoonsiga Somaliland, waxaanu ku tilmaamay guul laga gaaray wax uu ugu yeeray la-dagaallanka argagaixisada.

RW Netanyahu ayaa wasiirkiisa Arrimaha dibadda Sa’ar, Madaxa Mossad David Barnea iyo hay’adda Mossad lafteedaba ku ammaanay doorkii ay ka qaateen arrinta aqoonsiga Somaliland.

Bayaanka waxa lagu sheegay in Yahuuddu ay si deg-deg ah u ballaarinayso xiriirka ay la leedahay Somaliland, siina kordhanayso iskaashiga beeraha, caafimaadka, tiknoolajiyada iyo dhaqaalaha.

Geesta kale bayaan lagu soo dhaweeyey tallaabada Yahuudda ayaa kasoo baxay xafiiska madaxtooyada maamulka Somaliland, kaas oo lagu sheegay in kulan fogaan-arag ah uu dhex-maray Cirro iyo Netanyahu, ka hor intaan lagu dhawaaqin go’aankan.

Kulankan ayay Somaliland sheegtay in lagu muujiyey is-afgarad siyaasadeed iyo istaraatiiji isla markaana la isku afgartay bilaabista weji cusub oo lagu xoojinayo xiriirka labada dhinac.

Aqoonsigan ayay madaxtooyada Somaliland ku sifaysay bog cusub oo u furmay, oo ku aaddan iskaashi caalami ah, sida amniga, dhaqaalaha iyo waxay ku sheegeen xasiloonida Geeska Afrika.

Dad badan ayaa aad uga fal-celiyey aqoonsiga ay Yahuuddu siisay maamulka Somailland, waxaana ka mida boqor Cismaan Buur-madow oo ka tirsan hoggaanka ugu cad-cad ee dhaqanka Somaliland.

Buur-madow waxa uu sheegay inuu aad soo dhawaynayo go’aanka Yahuudda, waxaanu reer Somaliland ugu baaqay in wiilashooda ay ugu magac-daraan RW Netanyahu, iyo magacyada madaxda kale ee Yahuudda.

Sidoo kale waddooyinka magaalooyinka waaweyn ee Somaliland ayuu Buur-madow ku baaqay in loo bixiyo magacyada magaalooyinka Talaabiib iyo Xayfa oo ka mida dhulka muslimiinta ee Yahuuddu ay xoogga ku haysato, isagoo doonayo in Sahaayinada uu ku raalli-geliyo.

Tallaabadan ayaa imanaysa kadib qorshayaal dhagaraysan oo Sahaayinada iyo Maraykanku ay damacsan yihiin inay kula wareegaan dekedda istaraatiijiga ah ee Berbera, iyagoo halkaasi ka dhiganaya saldhigyo ay kasii joogteeyaan xasuuqqa ay ku hayaan guud ahaan muslimiinta, gaar ahaan reer Falastiin.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhagayso Barnaamijka Toosinta Ubadka 07-Rajab-1447-Hijri.
Next: Halkan Ka Dhagayso Barnaamijka Raad-raaca Toddobaadka 07-07-1447 Hijri.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -02-Rabiicu-Thaanii-1448-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -02-Rabiicu-Thaanii-1448-Hijri.

September 13, 2026
Jeneraal Katirsanaa Xukuumadda Yemen Oo La Sheegay In Uu Ubaxsaday Soomaaliya.
  • Allposts
  • Warar

Jeneraal Katirsanaa Xukuumadda Yemen Oo La Sheegay In Uu Ubaxsaday Soomaaliya.

September 13, 2026
Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 02-04-1448-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 02-04-1448-Hijri.

September 13, 2026

Sawirro

Taliye Shub Oo Ku Dhaawacmay Duqayn Diyaaradeed Oo Gurigiisa Loogu Gaystay+Sawirro.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Taliye Shub Oo Ku Dhaawacmay Duqayn Diyaaradeed Oo Gurigiisa Loogu Gaystay+Sawirro.

September 4, 2026
Sawirro: Mujaahidiinta Oo Maalintii Labaad Gacanta Ku Haya Deegaanka Teedaan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Mujaahidiinta Oo Maalintii Labaad Gacanta Ku Haya Deegaanka Teedaan.

August 3, 2026
Sawirro: Barnaamijka Jamciyadda Qur’aanka Ee “Qurratu Ceyn Iyo Shahaado Guddoosiinta Xufaadda Jilib.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Barnaamijka Jamciyadda Qur’aanka Ee “Qurratu Ceyn Iyo Shahaado Guddoosiinta Xufaadda Jilib.

August 1, 2026
Daawo: Jamciyadda Qur’aanka Kariimka Oo Qabatay Barnaamin Shahaadooyin Lagu Guddoonsiiyay Inka Badan 130 Xufaad Ah.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo: Jamciyadda Qur’aanka Kariimka Oo Qabatay Barnaamin Shahaadooyin Lagu Guddoonsiiyay Inka Badan 130 Xufaad Ah.

July 26, 2026
Daawo Sawirrada Khasaaraha Ka Dhashay Duqaymihii Maraykanku Ka Gaystay Farsooley.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Khasaaraha Ka Dhashay Duqaymihii Maraykanku Ka Gaystay Farsooley.

July 6, 2026
Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.

June 16, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.

May 29, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.

May 28, 2026
Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.

May 28, 2026
Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.

May 27, 2026
Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.

May 25, 2026
Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.

May 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada