Wafdigaan oo uu hoggaaminayey Wasiirka Arrimaha Dibadda Yahuuda gaalka lagu magacaabo “Gidiyon Saa-ar” ayaa shaley ka dagtay magaalada Hargeysa, xilli siweyn loo ilaalinayey amniga wafdiga Yahuuda.
Xubnahaan Yahuuda ayaa toos uga soo duulay caasimada Yahuuda ee Tallaabiib, iyagoo ay galbinayeen diyaarado militry oo Yahuuda ay leeyihiin kuwaasi oo ilaalinayey amniga xubnaha Yahuuda ee wafdigaan kuwaasi oo lagu arkayey hawada magaalada Hargeysa iyagoo dul-heehaabaya.
Wafdiga Yahuuda ayaa kulan la qaatay madaxa maamulka ridada ee Somaliland murtad C/Raxmaan Cirro, iyagoona u sheegay inay ku faraxsan yihiin inay aqoonsadaan Somaliland, islamarkaana ay fulin doonaan qodobada ku xusan aqoonsiga Somaliland.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Yahuuda ayaa sheegay in R/Wasaaraha Yahuuda uu martiqaad usoo diray murtad Cirro taasoo ah inuu booqasho ku yimaado caasimada Yahuuda ee Tallaabiib.
Shirjaraa’id oo ay si wadajir ah u wadaqabteen Wasiirka Arrimaha Dibadda Yahuuda, iyo murtad Cirro ayaa ka dhacay madaxtooyadda maamulka ridada ee Soomaliland ee magaalada Hargeysa.
Ugu horeentii shirkaasi jaraa’id waxaa ka hadlay Wasiirka Arrimaha Dibadda Yahuuda wuxuuna Yirri. wuxuuna yiri: “Somaliland waa dowlad ay u dhameystiran yihiin teerarka dowladnimada taasoo ku dhisan kuna dhaqanta qawaaniinta caalamiga ah, waana dowlad dimuquraadi ah oo madax banaan muddo ku dhow 35 sano, waxay sameeyeen doorashooyin dimuquraadi ah dhammaadkii bishii November sanadkii 2024-kii, iyagoo si nabad galyo ah xukunka ku kala wareegay. Somaliland waa mid garab u ah Reer-galbeedka, saaxiibna la ah Israel. Mudane madaxweyne waxaa sharaf u ah Israel inay noqotay dowladdii ugu horeeysay oo ka tirsan Qaramada Midowbay oo aqoonsatay in Somaliland ay tahay dowlad madax banaan”.
Sidoo kale, waxaa shirkaasi jaraa’id ka hadlay murtad C/Raxmaan Cirro oo sheegay in Soomaliland ay mardhow safaarad ka furan doonto caasimada Yahuuda ee Tallaabiib, nuqul ka mid ah hadalkiisa ayaa u dhignaa sidan: “Aad baan kugu mahadcelinayaa mudane, waxaana ku dhawaaqayaa inaan aqbalay booqashada iyo martiqaadka uu inoo fidiyey R/Wasaaraha Israel, faahfaahinta booqashadaasina waxaa lagu soo gudbin doonaa duruq dublamaasi ah. Waxaana i faraxgalinaya inaan dhaho anigoo ku faanaya oo aanan ka leex-leexanaynin inaan safaarad ka furan doono Israel”.
Booqashada wafdiga Yahuuda ayaa kusoo aadaysa xilli wali ay taagan tahay saameynta ka dhalatay aqoonsiga Yahuuda ay aqoosadeen maamulka ridada ee Somaaliland, waxaana imaanshaha wafdiga Yahuuda ay dhabarjab xooggan ku tahay kooxda ridada Soomaaliya oo sheegan jirtay inay maamulaan hawada Soomaaliya oo aysan soo gali karin cid aanan iyaga fasax ka heysan.