Shir ay yeesheen golaha Wasiiradda kooxda ridada Soomaaliya ayaa looga hadlay khilaafka soo kala dhexgalay kooxda ridada Soomaaliya iyo dowladda Imaaraatka Carabta.
Golaha Wasiiradda ridada ayaa soo saaray bayaan ay ku sheegeen in kooxda ridada Soomaaliya ay burisay dhammaanba heshiisyaddii ay kula jireen dowladda ridada ee Imaaraatka Carabta.
Kooxda ridada Soomaaliya ayaa bayaankeeda ku sheegtay in Imaaraatka uu kaalin kulahaa Aqoonsiga Yahuuda ee maamulka ridada ee Somaliland.
Burinta ay kooxda ridada ku dhawaaqday inay ku sameysay heshiisyaddii Imaaraatka ayaa waxaa qeyb ka ah Dekadaha Boosaaso, Berbara, iyo Kismaayo oo Imaaraatka uu gacanta ku hayo, islamarkaana uu maamulo.
Sidoo kale kooxda ridada ayaa sheegtay inay burisay heshiiyaddii Amni ee ay kula jirtay dowladda Imaaraatka kaasoo Imaaraatka uu ku bixin jitay dhaqaallo fara badan.
Wasiirka Warfaafinta ridada ayaa sharaxaya qodobada kasoo baxay shirka golaha Wasiiradda Kooxda ridada Soomaaliya.
Hadaba lama oga sida uu ku suuragali doono burinta kooxda ridada ay ku burisay heshiisyaddii ay kula jirtay Imaaraatka, iyadoona la ogeen sida Imaaraatka u dhaqan galin karo, xilli uu Imaaraatka joogitaan buuxda ku joogo deegaanada Somaliland, iyo Puntland, iyo Jubbaland.
Horaantii sanadkii 2018-kii ayey ahayd markii dowladdii ridada ee Farmaajo sidaan oo kale ay xiriirka ugu jartay Imaaraatka taasoo Imaaraatka dhag-jalaq usiin, islamarkaana sii watay shirqoolada uu kawaday gudaha Soomaaliya.