Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Dagaallo markale ka dhex-qarxay ciidanka Xabashida Itoobiya iyo maleeshiyaadka TPLF.
  • Allposts
  • Warar

Dagaallo markale ka dhex-qarxay ciidanka Xabashida Itoobiya iyo maleeshiyaadka TPLF.

January 29, 2026

Wararka ka imanaya gudaha Itoobiya ayaa sheegaya dagaal culus oo mar kale ka dhex-qarxay ciidanka Xabashida Itoobiya iyo maleeshiyaadka jabhadda xoreynta Tigrey-ga ee TPLF.

Dagaalkan ayaa talaadadii lasoo dhaafay ka bilowday galbeedka gobolka Tigrey, kadib markii maleeshiyaadka TPLF ay weerar ku qaadeen magaalada Tselemti (Salemti) oo fariisin u ahayd ciidanka millateriga federaalka Itoobiya.

Sida ay xogtu tibaaxayso, jabhadda TPLF ayaa la sheegay in ay cagta mariyeen ciidanka Itoobiya isla markaana ay si buuxda ula wareegeen gacan-ku-haynta magaalada Tselemti iyo deggaannada ku dhow oo dhan.

Ilo-wareedyo maxalli ah ayaa sheegaya in maalinnimadii shalay diyaaradaha dagaalka ee maamulka Abiy Axmed ay duqeeyeen xaafado ka tirsan magaalada Tselemti oo jabhadda TPLF ay xoog kula wareegtay.

Xogo dheeraad ah oo soo baxaya ayaa sheegaya in maleeshiyaadka Tigrey-gu ay sidoo kale shalay weerarro ku qaadeen ugu yaraan saddex deggaan oo ku dhow magaalada Tselemti oo dhacda galbeedka gobolka Tigrey.

Maleeshiyaadka TPLF ayaa la xaqiijiyey in saacadihii lasoo dhaafay ay sidoo kale gudaha u galeen magaalada Walkait (Walkayt) oo muddo afar sannadood ah gacantooda ka maqnayd.

La wareegista deggaannadan ayaa la sheegay in maleeshiyaadka Tigrey ay u saamaxday kadib markii ay ka gudbeen webiga Tekeze, oo millateri ahaan muhiim u ah deggaannadan.

TPLF ayaa la sheegay in maleeshiyaad fara badan ay ka gudbisay webiga kuna daabushay deggaannadan ay gacanta ku dhigeen ee Tselemti iyo Walkait oo sida la sheegay weli xaalkoodu aanu deggenayn, duqayn xoogganna ay ku socoto.

Labada dhinac midkoodna ma uusan sheegin khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashan dagaalladan, iyadoo dagaalladii 2020-kii dhex-maray ciidamada Itoobiya iyo maleeshiyaadka TPLF ay ku dhinteen dad lagu qiyaasay 600,000 (Lix boqol oo Kun) oo qof.

Dagaalkan hadda dib u qarxay oo in badan laga digayay ayaa kusoo aaday xilli aad looga dayrinayo xaaladda amni ee Itoobiya, isla markaana maamulka Abiy Axmed-na ay furimo xooggan oo aad loogu wiiqay ciidankiisa kaga furan yihiin gobollada Amxaarada iyo Oromada.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 10-08-1447-Hijri.
Next: Dhagayso Andalus Podcast: Ahmiyadda Xalaqaatku U Leeyihiin Barashada Cilmiga Sharciga Iyo Sheekh C/Raxmaan Firin

Related Stories

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 10-05-1448-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 10-05-1448-Hijri.

October 21, 2026
Akhriso Xogta Weeraro Lagu Beegsaday Saldhigyo Kuyaal Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Warar

Akhriso Xogta Weeraro Lagu Beegsaday Saldhigyo Kuyaal Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.

October 21, 2026
Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -10-05-1448-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -10-05-1448-Hijri

October 20, 2026

Sawirro

Daawo Sawirro Muujinaya Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Hees.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Muujinaya Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Hees.

October 10, 2026
Sawirro: Xarakada Al-Shabaab Iyo Beesha Xawaadle Oo Maxaas Ku Gaaray Heshiis Lagu Soo Afjaray Colaaddii U Dhexeysay Labada Dhinac.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Xarakada Al-Shabaab Iyo Beesha Xawaadle Oo Maxaas Ku Gaaray Heshiis Lagu Soo Afjaray Colaaddii U Dhexeysay Labada Dhinac.

October 3, 2026
Taliye Shub Oo Ku Dhaawacmay Duqayn Diyaaradeed Oo Gurigiisa Loogu Gaystay+Sawirro.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Taliye Shub Oo Ku Dhaawacmay Duqayn Diyaaradeed Oo Gurigiisa Loogu Gaystay+Sawirro.

September 4, 2026
Sawirro: Mujaahidiinta Oo Maalintii Labaad Gacanta Ku Haya Deegaanka Teedaan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Mujaahidiinta Oo Maalintii Labaad Gacanta Ku Haya Deegaanka Teedaan.

August 3, 2026
Sawirro: Barnaamijka Jamciyadda Qur’aanka Ee “Qurratu Ceyn Iyo Shahaado Guddoosiinta Xufaadda Jilib.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Barnaamijka Jamciyadda Qur’aanka Ee “Qurratu Ceyn Iyo Shahaado Guddoosiinta Xufaadda Jilib.

August 1, 2026
Daawo: Jamciyadda Qur’aanka Kariimka Oo Qabatay Barnaamin Shahaadooyin Lagu Guddoonsiiyay Inka Badan 130 Xufaad Ah.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo: Jamciyadda Qur’aanka Kariimka Oo Qabatay Barnaamin Shahaadooyin Lagu Guddoonsiiyay Inka Badan 130 Xufaad Ah.

July 26, 2026
Daawo Sawirrada Khasaaraha Ka Dhashay Duqaymihii Maraykanku Ka Gaystay Farsooley.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Khasaaraha Ka Dhashay Duqaymihii Maraykanku Ka Gaystay Farsooley.

July 6, 2026
Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.

June 16, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.

May 29, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.

May 28, 2026
Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.

May 28, 2026
Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.

May 27, 2026
Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.

May 25, 2026

Diiwaanka Gabayada

DHAGEYSO: Gabay Cusub Oo Uu Tiriyey Abwaan C/waaxid Cali Gama’diid.
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

DHAGEYSO: Gabay Cusub Oo Uu Tiriyey Abwaan C/waaxid Cali Gama’diid.

October 19, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada