Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Dagaallo markale ka dhex-qarxay ciidanka Xabashida Itoobiya iyo maleeshiyaadka TPLF.
  • Allposts
  • Warar

Dagaallo markale ka dhex-qarxay ciidanka Xabashida Itoobiya iyo maleeshiyaadka TPLF.

January 29, 2026

Wararka ka imanaya gudaha Itoobiya ayaa sheegaya dagaal culus oo mar kale ka dhex-qarxay ciidanka Xabashida Itoobiya iyo maleeshiyaadka jabhadda xoreynta Tigrey-ga ee TPLF.

Dagaalkan ayaa talaadadii lasoo dhaafay ka bilowday galbeedka gobolka Tigrey, kadib markii maleeshiyaadka TPLF ay weerar ku qaadeen magaalada Tselemti (Salemti) oo fariisin u ahayd ciidanka millateriga federaalka Itoobiya.

Sida ay xogtu tibaaxayso, jabhadda TPLF ayaa la sheegay in ay cagta mariyeen ciidanka Itoobiya isla markaana ay si buuxda ula wareegeen gacan-ku-haynta magaalada Tselemti iyo deggaannada ku dhow oo dhan.

Ilo-wareedyo maxalli ah ayaa sheegaya in maalinnimadii shalay diyaaradaha dagaalka ee maamulka Abiy Axmed ay duqeeyeen xaafado ka tirsan magaalada Tselemti oo jabhadda TPLF ay xoog kula wareegtay.

Xogo dheeraad ah oo soo baxaya ayaa sheegaya in maleeshiyaadka Tigrey-gu ay sidoo kale shalay weerarro ku qaadeen ugu yaraan saddex deggaan oo ku dhow magaalada Tselemti oo dhacda galbeedka gobolka Tigrey.

Maleeshiyaadka TPLF ayaa la xaqiijiyey in saacadihii lasoo dhaafay ay sidoo kale gudaha u galeen magaalada Walkait (Walkayt) oo muddo afar sannadood ah gacantooda ka maqnayd.

La wareegista deggaannadan ayaa la sheegay in maleeshiyaadka Tigrey ay u saamaxday kadib markii ay ka gudbeen webiga Tekeze, oo millateri ahaan muhiim u ah deggaannadan.

TPLF ayaa la sheegay in maleeshiyaad fara badan ay ka gudbisay webiga kuna daabushay deggaannadan ay gacanta ku dhigeen ee Tselemti iyo Walkait oo sida la sheegay weli xaalkoodu aanu deggenayn, duqayn xoogganna ay ku socoto.

Labada dhinac midkoodna ma uusan sheegin khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashan dagaalladan, iyadoo dagaalladii 2020-kii dhex-maray ciidamada Itoobiya iyo maleeshiyaadka TPLF ay ku dhinteen dad lagu qiyaasay 600,000 (Lix boqol oo Kun) oo qof.

Dagaalkan hadda dib u qarxay oo in badan laga digayay ayaa kusoo aaday xilli aad looga dayrinayo xaaladda amni ee Itoobiya, isla markaana maamulka Abiy Axmed-na ay furimo xooggan oo aad loogu wiiqay ciidankiisa kaga furan yihiin gobollada Amxaarada iyo Oromada.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 10-08-1447-Hijri.
Next: Dhagayso Andalus Podcast: Ahmiyadda Xalaqaatku U Leeyihiin Barashada Cilmiga Sharciga Iyo Sheekh C/Raxmaan Firin

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -27-01-1448-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -27-01-1448-Hijri

July 11, 2026
Suuqyada Boosaaso Oo Maanta U Xirnaa Lacago Uu Soo Rogay Maamulka Deni.
  • Allposts
  • Warar

Suuqyada Boosaaso Oo Maanta U Xirnaa Lacago Uu Soo Rogay Maamulka Deni.

July 11, 2026
Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -26-01-1448 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -26-01-1448 Hijri.

July 11, 2026

Sawirro

Daawo Sawirrada Khasaaraha Ka Dhashay Duqaymihii Maraykanku Ka Gaystay Farsooley.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Khasaaraha Ka Dhashay Duqaymihii Maraykanku Ka Gaystay Farsooley.

July 6, 2026
Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.

June 16, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.

May 29, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.

May 28, 2026
Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.

May 28, 2026
Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.

May 27, 2026
Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.

May 25, 2026
Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.

May 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.

March 21, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada