Midowga Gaalada Yurub ee dhaqaalaha ku bixiya Koxda Ridada ayaa ceeb ku tilmaamay dhacdadii shaley lagu celiyay wufuuddii kasocday maamullada ridada ah Puntland iyo Jubbaland oo doonaysya inay kasoo dagaan garoonka diyaaradaha Mogdisho..
Ergayga Midowga Gaalada Yurub u qaabilsan Soomaaliya ee lagu magacaabo Francesca Di Moura oo qoraal ku baahisey barteeda X ayaa wax laga xumaado ku tilmaantey ficillada Xukuumadda Xasan Gurguurte.
“Waa ceeb in wufuuddii ka socotay PL iyo JL aanay tegi karin Muqdisho, si kasta oo qilaaf u jiro Midowga Yurub waxa uu rajaynayaa in xal loo helo sidii wadahadal u dhici lahaa” ayay tiri.
Dhinaca kale, war kasoo baxay kooxda ridada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in diyaaradaha la celiyey ay soo daabuleen hub iyo ciidamo aanan la ogeyn ujeedada laga lahaa taasoo ay sheegtay inay kasoo horjeedaan qabsoomida shirka.
Arrimahaan ayaa imaanaya xilli uu dib dhac ku yimid xiligii lagu balansanaa shirka Muqdisho oo ay yeelan lahaayeen mucaaradka ridada iyo kooxda Xasan Gurguurte, kaasoo hadda u muuqda mid fashilmay.