Waxa loogu yeero beesha caalamka ayaa warsaxaafadeed wada-jir ah oo ay soo saareen ku muujiyey walaaca xooggan ee ay ka qabaan khilaafka xooggan ee hareeyey kooxaha daba-dhilifyada ah ee ku muransan kursiga Villa Soomaaliya.
Bayaankan oo goor dhawayd soo baxay ayaa loogu baaqay kooxahan inay si dhakhso ah u bilaabaan wada-xaajood, isla markaana ay si deg-deg ah u gaaraan geeddi-socod doorasho oo loo dhan yahay, maadaama aya yiraahdeen Soomaaliya ku jirto wakhti xasaasi ah.
Waxa kale oo wakiillada caalamku ay bayaankoodan ku sheegeen inay diyaar u yihiin dhex-dhexaadinta daba-dhilifyada ku muransan siyaasadda Soomaaliya, haddii loo baahdo. Iyagoo muujiyey welwel xooggan oo ay ka qabaan in xiisaddu ay kasii darto.
Geesta kale, safiirkii hore ee Mareykanka u fadhi jiray Soomaaliya, Larry André, ayaa sheegay in ficillada gurracan ee uu samaynayo madaxa kooxda Villa Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ay yihiin kuwo taageeraya qaddiyada Somaliland ee aqoonsiga la xiriirta.
“Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ficilladiisa uu ku burburinayo nidaamka federaalka Soomaaliya ayaa si dhab ah uga dhigaya taageere kale oo weyn oo madax-bannaanida Somaliland.” Ayuu Larry André ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa LinkedIn.
Walaacan ay dalalka shisheeye ka muujiyeen muranka ragaadiyey kooxaha daba-dhilifyada Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xilli khilaafaadku ay sii xoogaysteen, Xasan Gurguurte-na laga furfuri la’yahay kursiga Villa Soomaaliya, kadib markii muddo-xileedkiisu uu dhammaaday.