Hey’adda Cilmi-baarista Nabadda ee Stockholm (SIPRI) ayaa ka digtay in waxa loogu yeero howlgalada nabad ilaalinta ee caalamiga ah oo uu ku jiro midka Soomaaliya ee AUSSOM ay wajahayaan qalalaase aan horay loo arag, kuwaas oo ay sabab u yihiin loollanka quwadaha waaweyn, ismari-waaga siyaasadeed iyo dhaqaale yari baahsan.
Warbixin cusub oo hey’addani ay soo saartay ayaa muujisay in tirada ciidamada iyo shaqaalaha ku jira waxa loogu yeero howlgalada nabad ilaalinta ay hoos ugu dhacday 78,633 dhammaadka sanadkii 2025, taasoo ah hoos u dhac dhan 17% marka loo eego sanadkii ka horreeyay, isla markaana ah heerkii ugu hooseeyay ee la diiwaangeliyo muddo ka badan rubuc qarni.
Hey’adda Cilmi-baarista Nabadda ee Stockholm waxay ka digtay in haddii isbeddelladan ay sii socdaan, hay’adaha caalamiga ah sida Qaramada Midoobay ay wajihi karaan in si weyn looga saaro doorkooda ku aaddan maaraynta colaadaha caalamka.
SIPRI waxay sidoo kale sheegtay in ururrada gobolka sida Midowga Afrika, ECOWAS iyo OSCE ay sii kordhayaan caqabadaha kaga imanaya kala qaybsanaanta siyaasadeed iyo dhaqaale yarida baahsan ee guud ahaan haraysay hey’adaha gobolka iyo kuwa caalamka.
Dr. Claudia Pfeifer Cruz, oo ah Cilmi-baare sare oo ka tirsan SIPRI ayaa sheegtay in ururradaasi ay la tacaalayaan tabar-darro ku aaddan hawlaha loo igmaday, iyo dhaqaale xaddidan, isla markaana ay la kulmaan dhibaatooyin la mid ah kuwa Qaramada Midoobay.
SIPRI ayaa sidoo kale tilmaantay in aan la ansixin wax howlgal nabad ilaalin ah oo cusub oo ay hoggaaminayso Qaramada Midoobay tan iyo 2014, taas oo ka tarjumaysa kala qaybsanaanta sii xoogeysanaysa ee Golaha Ammaanka.
Howlgalada Qaramada Midoobay ayaa sanadkii 2025 wajahaya dhaqaale yari lagu qiyaasay laba bilyan oo doollar, taasoo qasab ka dhigtay in la dhimo shaqaalaha iyo hawlaha qaar. Iyadoo haatanna xafiiska New York uu iska bixin kari la’yahay kharashaadka lama-huraanka ah.
Ugu dambeyn hey’addu waxay ka digtay in haddii aan la helin taageero siyaasadeed iyo dhaqaale oo joogto ah, jawaabaha caalamiga ah ee colaadaha ay u wareegi karaan qaabab ciidan oo ku dhisan dano qaran oo gaar ah, kana dhan ah dedaallada wada-jirka ah.