Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Itoobiya Oo Soo Bandhigtay Dood Ay Ku Taageerayso Gooni-goosadka Somaliland.
  • Allposts
  • Warar

Itoobiya Oo Soo Bandhigtay Dood Ay Ku Taageerayso Gooni-goosadka Somaliland.

July 7, 2026

Institute of Foreign Affairs (IFA), oo ah machad cilmi-baaris iyo tababar diblomaasiyadeed oo hoos yimaadda Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya, ayaa daabacay maqaal uu si cad ugu barbar istaagay doodda maamulka ashahaado-la-dirirka ah ee gooni-goosadka Somaliland.

Maqaalku wuxuu tilmaamay in doodda Somaliland hadda aysan ku koobnayn oo kaliya helitaanka aqoonsi raasmi ah, balse muhiimaddeedu ay sii kordhinayso doorka istiraatiijiga ah ee ay ku leedahay amniga Badda Cas, oo dekedaha, xeebaha iyo marinnada badda ka dhigtay goobo quwadaha adduunku ay ku tartamayaan.

Sidaas darteed ayuu maqaalku yiri “Muhiimadda istiraatiijiga ah ee Somaliland hadda laguma go’aamiyo oo keliya in si rasmi ah loogu aqoonsaday dal madax-bannaan iyo in kale, balse ay tahay in quwadaha gobolka iyo kuwa dibaddu ay u arkaan inay tahay lamaane lama huraan u ah amniga iyo saadka”

Qormadu waxay sheegtay in dhaqdhaqaaqyada soo if-baxay ay muujinayaan in aqoonsigu hadda uusan ahayn oo keliya arrin sharci ah, balse uu noqday aalad istiraatiiji ah oo ay dowladuhu u adeegsadaan inay ku helaan amni, marin badeed iyo saameyn siyaasadeed oo gobolka ah.

Sida ay carabowday qormadu, waxa horey loo aaminsanaa in Somaliland marka hore ay u baahan tahay aqoonsi rasmi ah si ay u hesho xiriir iyo iskaashi caalami ah oo weyn, balse aragtidaas ayaa hadda sii daciifaysa maadaama iskaashi dhab ah uu bilaabanayo iyadoo aan weli la aqoonsan.

Amni-darro uu sheegay maqaalku inay kusii kordhayso Badda Cas iyo loollanka quwadaha ayaa Bab al-Mandab ka dhigay marin badeed istiraatiiji ah, taas oo kordhisay ayuu yiri, muhiimadda dekedaha iyo xeebaha Somaliland ee dhinacyada amniga iyo ganacsiga.

Ilaalinta amniga marinnada badda ayay qormadu tilmaantay in aysan ku xirnayn oo keliya joogitaanka ciidamada badda, balse loo baahan yahay dekedo la isku halayn karo, xarumo saad, iskaashi sirdoon iyo maamullo xeebeed oo xasilloon.

Goobta Somaliland ee Gacanka Cadmeed ayay qormadu sheegtay in maamulka Hargeysa ay siinayso muhiimad istiraatiiji ah oo ka weyn arrinta aqoonsiga, taasoo keentay in dalal shisheeye oo leh dano waaweyn ay xoojiyaan iskaashiga ay la leeyihiin iyaga oo aan sugin aqoonsi rasmi ah.

La-macaamilka maamulkan aan la aqoonsan, ayay qormadu xustay inuu ka dhigan yahay in Somaliland si tartiib ah ugu dhex milmayso xiriirrada amni, dhaqaale iyo diblomaasiyadeed ee gobolka, iyadoo loo marayo iskaashi dhab ah, iyadoo aqoonsi rasmi ah weli aan helin.

Maalgashiga, heshiisyada ganacsiga, iskaashiga amniga iyo xiriirrada diblomaasiyadeed ayuu maqaalku sheegay in Somaliland uu siinayo xiriir caalami ah oo shaqaynaya, taasoo hoos u dhigaysa baahida degdegga ah ee ay u qabtay aqoonsi caalami ah.

“Faa’iidada istiraatiijiga ah ee Somaliland ayaa abuureysa qaabab iskaashi oo si dhab ah caadi uga dhigaya doorkeeda caalamiga ah, xitaa iyadoo xaaladdeeda sharci uu weli muran ka taagan yahay.” Ayaa lagu yiri maqaalka uu baahiyey Machadka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya.

Sida qormadu ay xustay, dekedda Berbera waxay ka gudubtay inay noqoto oo keliya deked ganacsi, waxayna isu beddeshay xarun istiraatiijiya oo muhiim u ah amniga badda, isku-xirka gobolka iyo tartanka quwadaha gobolka iyo kuwa caalamka.

Maqaalku wuxuu sheegay in ku-tiirsanaanta Itoobiya ee dekedda Jabuuti ay tahay halis dhaqaale, sidaas darteed ayuu yiri, Itoobiya waxay Berbera u noqon kartaa marin-badeed kale oo ay ku xoojiso ganacsigeeda, kuna sugto adkaysiga dhaqaalaheeda.

Warbixintu waxay sheegaysa in goobta Somaliland ku taallo oo keliya muhiimaddu aysan ahay, balse qiimaheeda istiraatiijiga ah ay kordhiyeen ayay tiri, xasilloonida siyaasadeed, awoodda maamul, iyo kaabayaasha ay leedahay, kuwaas oo juqraafiyaddeeda u beddelaya fursad istiraatiiji ah.

Qormadu waxay si cad u iftiimisay in Itoobiya u baahan tahay helista marinno badeed oo kala duwan, iyadoo diiraddana ku haysa dekedda Berbera, maadaama ayay tiri ay haatan noqotay arrin istaraatiiji ah oo la xiriirta amniga iyo loollanka juqraafiyeed ee gobolka.

Qorshaha Itoobiya ee ah inay Berbera ka hesho marin-badeed ayay qormadu hoosta ka xariiqday in uusan mar dambe noqon doonin wax ay ku tilmaantay arrin dhaqaale oo keliya, maadaama Somaliland ay sii yeelanayso ayay tiri, door amni oo gobolka ah.

Hey’adaha gobolka, sida Midowga Afrika iyo IGAD ayay warbixintu sheegtay in mabaadi’doodu ay weli ku salaysan yihiin ilaalinta xuduudaha iyo midnimada dhuleed ee dalalka, isla markaana wada-hadal lagu xalliyo wixii khilaafaad ah. Balse xiriirrada cusub ee Somaliland ayaa caqabad ku noqday xeerarkaasi.

Sida lagu sheegay warbixinta, inkastoo dalal badan ay weli ka walaacsan yihiin aqoonsiga Somaliland, haddana danaha istaraatiijiga ah sida amniga, ganacsiga, iyo marin-badeedka ayaa si isa soo taraysa u hagaya xiriirka uu maamulka Hargeysa la yeelanayo dalalkaasi.

Sidaas darteed, waxaa suurtagal ah ayaa lagu yiri maqaalka uu daabacay machadka IFA, in iskaashiga sii kordhaya ee lala yeelanayo Somaliland, uu marka hore caadi ka dhigo xiriirka, kadibna uu u horseedi karo aqoonsi rasmi ah.

Maqaalku wuxuu carab-dhabay in Somaliland arrinteedu hadda aysan ku koobnayn oo keliya raadinta aqoonsi, balse ay noqotay arrin istaraatiiji ah oo la xiriirta amniga Badda Cas, tartanka quwadaha, muhiimadda dekedaha iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Institute of Foreign Affairs ayaa qormadan uu daabacay lagu sheegay, in arrimahaas oo jira awgood, laga yaabo in mustaqbalka Somaliland uusan ku xirnaan oo keliya helitaanka aqoonsi rasmi ah, balse uu ku xirnaado doorka ay ka qaadato nidaamka amni ee gobolka ee hadda dhismaya.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -22-01-1448 Hijri.
Next: Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -23-01-1448-Hijri

Related Stories

Daawo Muuqaalka Weerar Kamiin Ah Oo Ka Dhacay Duleedka Teedaan.
  • Allposts
  • Maqal & Muuqaal

Daawo Muuqaalka Weerar Kamiin Ah Oo Ka Dhacay Duleedka Teedaan.

August 22, 2026
Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -10-03-1448-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -10-03-1448-Hijri

August 22, 2026
Maamulka ‘Puntland’ Oo Cambaareeyay Duqaymo Ka Dhacay Gobolka Nugaal.
  • Allposts
  • Warar

Maamulka ‘Puntland’ Oo Cambaareeyay Duqaymo Ka Dhacay Gobolka Nugaal.

August 22, 2026

Sawirro

Sawirro: Mujaahidiinta Oo Maalintii Labaad Gacanta Ku Haya Deegaanka Teedaan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Mujaahidiinta Oo Maalintii Labaad Gacanta Ku Haya Deegaanka Teedaan.

August 3, 2026
Sawirro: Barnaamijka Jamciyadda Qur’aanka Ee “Qurratu Ceyn Iyo Shahaado Guddoosiinta Xufaadda Jilib.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Barnaamijka Jamciyadda Qur’aanka Ee “Qurratu Ceyn Iyo Shahaado Guddoosiinta Xufaadda Jilib.

August 1, 2026
Daawo: Jamciyadda Qur’aanka Kariimka Oo Qabatay Barnaamin Shahaadooyin Lagu Guddoonsiiyay Inka Badan 130 Xufaad Ah.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo: Jamciyadda Qur’aanka Kariimka Oo Qabatay Barnaamin Shahaadooyin Lagu Guddoonsiiyay Inka Badan 130 Xufaad Ah.

July 26, 2026
Daawo Sawirrada Khasaaraha Ka Dhashay Duqaymihii Maraykanku Ka Gaystay Farsooley.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Khasaaraha Ka Dhashay Duqaymihii Maraykanku Ka Gaystay Farsooley.

July 6, 2026
Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.

June 16, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.

May 29, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.

May 28, 2026
Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.

May 28, 2026
Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.

May 27, 2026
Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.

May 25, 2026
Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.

May 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada