Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug waxay maanta marti-gelisay iska hor’imaadyo u dhaxeeyay maleeshiyo hubeysan iyo maleeshiyo kale oo kooxda Riddada ka tirsan, kuwaas oo ku sugan magaalada Gaalkacyo.
Iska hor’imaadka koowaad oo ahaa mid kooban, ayaa lasoo wariyay in uu yimid markii kooxda Riddada Gurguurte isku dayday in hub ay diyaarad ku geysay Gaalkacyo ay u wareejiso qaybta uu ka arrimiyo maamul goboleedka ashahaada la dirirka ah ee Puntland.
Hubkan oo sida la sheegay kooxda Riddadu u adeegsan rabtay duullaankeeda ka dhanka ah maamulka Riddada ee Deni, ayaa waxaa dhexda u galay askar hubeysan, kuwaas oo gacanta ku dhigay mid ka mid ah laba baabuur oo ay hubka ku gudbinaysay kooxda Riddadu.
Muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada, ayaa muujinayay hubka laga fara-maroojiyay kooxda Xasan Gurguurte, waxaana iska hor’imaadka koowaad ee ka dhacay koonfurta Gaalkacyo ku dhaawacmay laba qof.
Iska hor-imaad labaad ayaa markale ka dhacay koonfurta magaalada, kaasi oo si la mid ah kii hore udhaxeeyay maleeshiyada kooxda Riddada iyo kuwa kale oo kasoo jeeda Koonfurta Gaalkacyo.
Iska hor’imaadka labaad, ayaa sida muuqata yimid markii ay weerar soo qaadeen maleeshiyada kooxda Ridada Soomaaliya, kuwaas oo doonayay inay gacantooda dib ugu soo celiyaan hubka laga qabsaday.
Masuul ka tirsan maamulka ashahaada ladirirka Puntland, oo ka hadlayay hubka kooxda Xasan sheekh kusoo daabulayso gobolka Mudug, ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in hubka ku jira gacanta kooxda Riddada uu yahay mid halis ku ah amniga maamulkiisa iyo kan Soomaaliya, maadaama uu ku jiro buu yiri gacan aan masuul ahayn.