Wararka ka imaanaya dalka Yeman, ayaa sheegaya in masuuliyiinta dalkaasi ay masaafuriyeen wakiil dhanka Ganacsiga u qaabilsanaa mamulka Riddada Somaliland oo xafiis kulahaa dalka Yeman.
Ninka la masaafuriyay oo lagu magacaabo, Idiris Aadan Raage, ayaa inka badan laba bilood ku xirnaa magaalada Cadan oo ah tan ay ku shaqayso xukuumadda Riddada ee dalkaasi.
Wakiilka ganacsiga maamulka Somaliland, ayaa lasoo wariyay in 13-kii June laga qabtay xafiiskiisa oo kuyiillay mid ka mid ah degmooyinka magaalada Cadan, ka dib howlgal ay sameeyeen ciidanka ammaanka ee xukuumadda Yeman.
Ilo wareedyo isugu jira Yamaniyiin iyo Soomaali, ayaa waxay sheegeen in markii Idiris xabsiga laga sii daayay horay laga soo masaafuriyay, waxaana garoonka diyaaradaha caalamiga ee Cadan ka qaaday diyaarad laga leeyahy dalka Jabuuti.
Ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay xukuumadda Cadan oo ku aaddan sababta ka dambeysay xarigga iyo masaafurinta la isugu daray wakiilkii ganacsiga maamulka Cabdiraxmaan Cirro u joogay magaalada Cadan.