Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in maamulka ashahaadda ladirirka Puntland uu soo afjaray howlgal ka dhan ahaa maleeshiyaad daacad u ah kooxda Riddada Soomaaliya kuwaas oo saldhig weyn ku lahaa waqooyiga Gaalkacyo.
Taliyaha booliska maamulka Puntland ayaa warbaahinta usheegay in ciidamadoodu ay gacanta ku dhigeen gaadiid dagaal iyo hub farabadan oo maleeshiyaadka kooxda Xasan Gurguurte ay ku lahaayeen waqooyiga magaaladaasi.
Taliye ku xigeenkii maleeshiyaadka PSF iyo 100 askari ayaa la xaqiijiyay in gacanta lagu dhigay islamarkaana iyagoo maxaabiis ah lasoo bandhigay.
Saciid Cabdullaahi Deni hoggaamiyaha maamulka Ashahaadda ladirirka Puntland oo kalimad jeediyay ayaa guulo waaweyn ka sheegtay dagaalkii Gaalkacyo isagoo goodis culus jeediyay.
Sidoo kale maamulka gobolka Mudug ugu magacaaban maamulka Puntland ayaa sheegay in ay soo afjareen dagaalkii waqooyiga Gaalkacyo ayna nabad gelyadii dib usoo celiyeen sida uu uhadalka udhigay.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in maleeshiyaad gacan saar lalahaa kooxda Riddada oo ku sugnaa Boosaaso ay hareereeyeen ciidamada maamulka Puntland halka warar kale ay sheegayaan in lagu amray in ay is dhiibaan.