Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Xuutiyiinta Oo La Wareegay Magaalada Mukha Ee Ku Dhow Baabul-mandeb.
  • Allposts
  • Warar

Xuutiyiinta Oo La Wareegay Magaalada Mukha Ee Ku Dhow Baabul-mandeb.

September 10, 2026
Maleeshiyaadka Xuutiyiinta ee xulafada la ah Iran ayaa maanta oo Khamiis ah qabsaday magaalo-marsada istaraatiijiga ah ee Mukha, oo ku taalla galbeedka Yemen, waxaanay u ruqaansadeen dhanka marin-biyoodka Baabul-Mandab oo wax yar u jira, sida ay sheegeen ilo militari oo ka tirsan dowladda Yemen oo ay soo xigatay Reuters.
Warbaahinta Yemen waxa kale oo ay xaqiijisey in Xuutiyiintu ay la wareegeen degmooyinka Xays iyo Al-Khawkhah ee koonfurta gobolka Al-Xudeydah sidoo kalena ay gacanta ku dhigeen dhul ballaaran oo ka tirsan dhowr degmo oo ku yaalla galbeedka gobolka Taciz.
Xays waa mid ka mid ah jiidaha dagaalka ee muhiimka u ah loollanka lagu hayo xeebaha galbeed ee Yemen, sababo la xiriira goobta istiraatiijiga ah ee ay ku taallo oo isku xirta degmooyinka koonfurta Al-Xudaydah iyo waddooyinka sahayda ee u gudba dhanka Mukha iyo Baabul-Mandeb.
Saddex ilo-wareed oo ka tirsan dhinaca dowladda Yemen ee ka soo horjeeda Xuutiyiinta ayaa sheegay in xaqiiq ay tahay la-wareegista Mukha ee maleeshiyaadka Xuutiyiinta, taas oo timid ayay yiraahdeen kaddib markii ciidamada dowladda ee magaalada ku sugnaa ay ka baxeen subaxnimadii saaka.
Mukha, oo sidoo kale loo yaqaan al-Mukha, waxay ku taallaa gobolka Taciz, waxaanay qiyaastii 80 kiiloomitir waqooyi ka xigtaa marin-biyoodka istaraatiijiga ah ee Baabul-Mandab, kaas oo Xuutiyiintu ay qarka u saaran yihiin in gebi ahaantiisba ay la wareegaan.
Qabsashada Mukha waxay kooxda Xuutiyiinta u horseedi kartaa inay xoojiyaan joogitaankooda xeebaha Badda Cas, halkaas oo ay horey gacanta ugu hayeen dekedda Xudeyda iyo sidoo kale deegaannada ku xeeran.
Baabul-Mandeb wuxuu isku xiraa Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, waana marin muhiim u ah isu-socodka ganacsiga caalamka, kaas oo ay maraan shidaalka, saliidda iyo badeecooyin kale oo u kala goosha meelo ay ka mid yihiin Bariga Dhexe, Yurub, Aasiya iyo Afrika.
Wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa sidoo kale sheegtay in Xuutiyiintu ay ku sii dhowaanayaan magaalada xeebta ah ee Dubaab ee isla gobolka Taciz, iyagoo doonaya inay sii ballaariyaan gacan-ku-hayntooda xeebaha Badda Cas ee Yemen.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Iska Hor’imaad Dayniile Ku Dhexmaray Maleeshiyada Gurguurte Iyo Dadka Deegaanka.
Next: Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 28-03-1448-Hijri.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -25-05-1448-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -25-05-1448-Hijri

November 4, 2026
Weerar Askar Looga Dilay Ciidanka Burundi Oo Ka Dhacay Sh/dhexe.
  • Allposts
  • Warar

Weerar Askar Looga Dilay Ciidanka Burundi Oo Ka Dhacay Sh/dhexe.

November 4, 2026
Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -24-05-1448 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -24-05-1448 Hijri.

November 4, 2026

Sawirro

DEG DEG: Daawo Sida Maleeshiyada Gurguurte Loogu Laayay Duleedka Leego.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

DEG DEG: Daawo Sida Maleeshiyada Gurguurte Loogu Laayay Duleedka Leego.

October 26, 2026
Daawo Sawirro Muujinaya Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Hees.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Muujinaya Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Hees.

October 10, 2026
Sawirro: Xarakada Al-Shabaab Iyo Beesha Xawaadle Oo Maxaas Ku Gaaray Heshiis Lagu Soo Afjaray Colaaddii U Dhexeysay Labada Dhinac.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Xarakada Al-Shabaab Iyo Beesha Xawaadle Oo Maxaas Ku Gaaray Heshiis Lagu Soo Afjaray Colaaddii U Dhexeysay Labada Dhinac.

October 3, 2026
Taliye Shub Oo Ku Dhaawacmay Duqayn Diyaaradeed Oo Gurigiisa Loogu Gaystay+Sawirro.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Taliye Shub Oo Ku Dhaawacmay Duqayn Diyaaradeed Oo Gurigiisa Loogu Gaystay+Sawirro.

September 4, 2026
Sawirro: Mujaahidiinta Oo Maalintii Labaad Gacanta Ku Haya Deegaanka Teedaan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Mujaahidiinta Oo Maalintii Labaad Gacanta Ku Haya Deegaanka Teedaan.

August 3, 2026
Sawirro: Barnaamijka Jamciyadda Qur’aanka Ee “Qurratu Ceyn Iyo Shahaado Guddoosiinta Xufaadda Jilib.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Barnaamijka Jamciyadda Qur’aanka Ee “Qurratu Ceyn Iyo Shahaado Guddoosiinta Xufaadda Jilib.

August 1, 2026
Daawo: Jamciyadda Qur’aanka Kariimka Oo Qabatay Barnaamin Shahaadooyin Lagu Guddoonsiiyay Inka Badan 130 Xufaad Ah.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo: Jamciyadda Qur’aanka Kariimka Oo Qabatay Barnaamin Shahaadooyin Lagu Guddoonsiiyay Inka Badan 130 Xufaad Ah.

July 26, 2026
Daawo Sawirrada Khasaaraha Ka Dhashay Duqaymihii Maraykanku Ka Gaystay Farsooley.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Khasaaraha Ka Dhashay Duqaymihii Maraykanku Ka Gaystay Farsooley.

July 6, 2026
Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.

June 16, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.

May 29, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.

May 28, 2026
Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.

May 28, 2026
Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.

May 27, 2026

Diiwaanka Gabayada

DHAGEYSO: Gabay Cusub Oo Uu Tiriyey Abwaan C/waaxid Cali Gama’diid.
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

DHAGEYSO: Gabay Cusub Oo Uu Tiriyey Abwaan C/waaxid Cali Gama’diid.

October 19, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada