Dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, ayaa maanta ka dhacay gudaha degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho, kaasi oo dhexmaray maleeshiyo ka tirsan kooxda Riddada Soomaaliya iyo dadka deegaanka.
Dadka deegaanka ayaa iska difaacayay weerar kaga yimid maleeshiyada kooxda Riddada, kuwaas oo ujeedkoodu ahaa duminta guryaha ay degganyihiin dadka shacabka ah.
Dhacdadan ayaa si gaar ah looga soo tebiyay xaafadda Oodweyne ee degmada Dayniile, dadka deegaanka ayaa dagaal la galay maleeshiyadan oo doonayay burburinta guryahooda, waxaana halkaas ka dhashay khasaare nafeed iyo mid hantiyeed.
Inta la xaqiijiyay afar qof oo isugu jira saddex caruur ah iyo hooyadood, ayuu dhaawac kasoo gaaray weerarka kooxda Riddadu kusoo qaaday dadkan shacabka ah.
Maleeshiyaadka Riddada ayaa hubka culus ku garaacayay guryaha ay degganyihiin dadka rayidka ah, hooyada dhaawacantay ayaa lasoo wariyay inay lug ku waysay dagaalkii maanta dhacay sida ilo dhanka deegaanka ah sheegeen.
Muuqaallo iyo sawirro lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay burburka ka dhashay weerarka maleeshiyaadka Riddadu ku qaadeen dadka rayidka ah ee deggan xaafadda Oodweyne.
Kooxda Xasan Gurguurte ayaa caadeystay inay awood ciidan ku meel-mariso go’aamadeeda dhul-boobka ah, ciddii ka hor-timaadda ayay na u adeegsataa awood ciidan.