Maleeshiyaadka Xuutiyiinta ee xulafada la ah Iran ayaa maanta oo Khamiis ah qabsaday magaalo-marsada istaraatiijiga ah ee Mukha, oo ku taalla galbeedka Yemen, waxaanay u ruqaansadeen dhanka marin-biyoodka Baabul-Mandab oo wax yar u jira, sida ay sheegeen ilo militari oo ka tirsan dowladda Yemen oo ay soo xigatay Reuters.Warbaahinta Yemen waxa kale oo ay xaqiijisey in Xuutiyiintu ay la wareegeen degmooyinka Xays iyo Al-Khawkhah ee koonfurta gobolka Al-Xudeydah sidoo kalena ay gacanta ku dhigeen dhul ballaaran oo ka tirsan dhowr degmo oo ku yaalla galbeedka gobolka Taciz.
Xays waa mid ka mid ah jiidaha dagaalka ee muhiimka u ah loollanka lagu hayo xeebaha galbeed ee Yemen, sababo la xiriira goobta istiraatiijiga ah ee ay ku taallo oo isku xirta degmooyinka koonfurta Al-Xudaydah iyo waddooyinka sahayda ee u gudba dhanka Mukha iyo Baabul-Mandeb.
Saddex ilo-wareed oo ka tirsan dhinaca dowladda Yemen ee ka soo horjeeda Xuutiyiinta ayaa sheegay in xaqiiq ay tahay la-wareegista Mukha ee maleeshiyaadka Xuutiyiinta, taas oo timid ayay yiraahdeen kaddib markii ciidamada dowladda ee magaalada ku sugnaa ay ka baxeen subaxnimadii saaka.
Mukha, oo sidoo kale loo yaqaan al-Mukha, waxay ku taallaa gobolka Taciz, waxaanay qiyaastii 80 kiiloomitir waqooyi ka xigtaa marin-biyoodka istaraatiijiga ah ee Baabul-Mandab, kaas oo Xuutiyiintu ay qarka u saaran yihiin in gebi ahaantiisba ay la wareegaan.
Qabsashada Mukha waxay kooxda Xuutiyiinta u horseedi kartaa inay xoojiyaan joogitaankooda xeebaha Badda Cas, halkaas oo ay horey gacanta ugu hayeen dekedda Xudeyda iyo sidoo kale deegaannada ku xeeran.
Baabul-Mandeb wuxuu isku xiraa Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, waana marin muhiim u ah isu-socodka ganacsiga caalamka, kaas oo ay maraan shidaalka, saliidda iyo badeecooyin kale oo u kala goosha meelo ay ka mid yihiin Bariga Dhexe, Yurub, Aasiya iyo Afrika.
Wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa sidoo kale sheegtay in Xuutiyiintu ay ku sii dhowaanayaan magaalada xeebta ah ee Dubaab ee isla gobolka Taciz, iyagoo doonaya inay sii ballaariyaan gacan-ku-hayntooda xeebaha Badda Cas ee Yemen.