Warbaahinta Kenya ayaa si weyn uga hadashay weeraro ka dhacay Gaarissa iyo Laamu, iyadoo wargeyska The Star uu sheegay, in dagaalyahanno ku hubaysan qoryo ay ka mid yihiin RPG-ga ay fuliyeen weerar dhabbagal ah oo ka dhacay gobolka Gaarissa.
Ciidamada Kenya ayuu wargeysku xusay in la beegsaday iyagoo gelinkii dambe ee maalinnimadii Sabtida ku gudo-jira roondooyin dhinaca amniga ah.
Sidoo kale wargeysku waxa uu sheegay in gelinkii hore ee isla Sabtidii dagaalyahannada Mujaahidiinta Al-shabaab ay weerareen xero ciidamada Kenya ku leeyihiin deggaan dhaca gobolka Lamu oo iska ka tirsan dhulka Kenya ay xoogga ku haysato.
Sida ay sheegeen saraakiil Kenyaati ah, weerarkan ayaa dhacay kaddib markii Mujaahidiintu ay abbaaro barqadii dhinaca bari kasoo weerareen xerada.
Sida warbixintu ay sheegtay, Mujaahidiinta ayaa weerarkaas ku daah-furay laba baalooto oo RPG ah, kadib-na rasaas xooggan oodda kaga qaaday xeradii ciidanka.
Hawl-galladan ayuu wargeysku sheegay inay yihin kuwii ugu dambeeyay weerarro si taxane ah muddooyinkan dambe uga dhacayay gobolkaasi.
Ciidamada Kenya iyo xerooyinka ay ku leeyihiin gobolka ayuu wargeysku sheegay in ay yihiin bartilmaameedyada ay sida gaarka ah u beegsadaan jihaadiyiintu.
Weerarradan ayuu sidoo kale wargeysku sheegay, inay kusoo aadayaan xilli walaacyo amni oo joogto ah uu hareeyey ciidamada Kenya ee ka hawl-gala gobollada ku hoos-jira gumaysiga Kenya.