Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • The Guardian: 46 Askari Ayaa Dowladda Uganda Looga Dilay Weerarkii Buula-Mareer.
  • Allposts
  • Warar

The Guardian: 46 Askari Ayaa Dowladda Uganda Looga Dilay Weerarkii Buula-Mareer.

April 3, 2018

Wargeyska the Guardian ee laga leeyahay dalka Ingiriiska ayaa cadadkii uu shaley soo daabacay ku sheegay in tobanaan ka tirsan ciidamada dowlada Uganda lagu dilay weeraradii abaabulnaa ee Axadii la soo dhaafay ay mujaahidiintu ku qaadeen saldhiyada Kuffaarta Afrikaanta ee wilaayada Sh/hoose

Saraakiil ku sugan degmada Buula-Mareer ayaa wargeyska u sheegay in ugu yaraan 46 ka mid ah askarta dowlada Uganda lagu dilay weerarkii ballaarnaa ee lagu qaaday saldhigga degmada Buula-Mareer.

Dowladda Uganda ayaa dhankeeda xaqiijisay in la weeraray saldhigyada ciidankooda ee Golweyn iyo Buula-Mareer balse waxay sheegtay in afar askari oo kaliya looga dilay weerarka, lagana dhaawacay lix kale laakiin wargeysku wuxuu tibaaxayaa in khasaaraha soo gaaray ciidamada Uganda uu ka badan yahay midka ay qirteen.

Isagoo soo xiganaya goobjoogeyaal iyo saraakiil ku sugan deegaanka ayuu tilmaamay in ciidamada Mujaahidiinta ay Camaliyaad Istish-haadi ah ku daahfureen weerarka, kadibna ciidamo hubeysan ay u daateen xerada. Sidoo kale wuxuu xusay in ciidamada Mujaahidiinta ay Camaliyad Istish-haadi ah oo ka hortag ah la beegsadeen ciidamo ku sugnaa Golweyn oo la filayey in ay u soo gurmadaan saaxiibadooda.

“Waxay ahayd xilli saacadu ku beegneyd 09:00am markii qaraxa ugu horeeyey lala helay saldhigga, wuxuuna ahaa gaari xamuul ah oo laga soo buuxiyey walxaha qarxa, kadibna dagaal xooggan ayaa ka qarxay goobta” ayuu yiri Cali Maxamed oo ah qof Beeraley oo Telephone-ka ugu waramay wargeyska.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri ” Waxaan arkay uuro fara badan oo ka soo baxeysa gudaha saldhigga” Wuxuu tilmaamay in daqiiqado ka dib la maqlay jugta qaraxii labaad oo lala eegtay ciidamo ku sugnaa Golweyn kuwaas oo gurmad u soo sameyn lahaa saaxiibadooda weerarku ku qabsaday Buula-Mareer.

Abdi Nuur Xaashi oo ah Korneel ka tirsan maleeshiyaatka Dowladda Federaalka oo farriisin ku leh meel u dhow saldhigga ciidamada Uganda ayaa sidoo kale Wargeyska the Guardian u sheegay in weeraradaas lagu dilay ugu yaraan 46 ka mid ah ciidamada AMISOM ee ka soo jeeda dalka Uganda.

“Inta badan askarta la laayey waxay ahaayeen saaxiibadeena, si wadajir ah ayaan u wada qeybsan jirnay cuntada iyo cabitaanka marka aan joogno xeradooda” sidaas waxaa Guardian u sheegay Abdi Nuur oo ah Korneel ka tirsan maleeshiyaatka Soomaalida ee la howlgala ciidamada Uganda “Waan isku daynay inaan caawino saaxiibadeena Uganda laakiin waxaa sidoo kale jiray weerar lagu soo qaaday saldhigeena” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Sarkaalkan ayaa sidoo kale sheegay in qaar badan oo ka mid ah ciidamada Uganda ay u dhinteen dhaawacyadii soo gaaray ka dib markii lagu guuldareystay in durbaba dhaawacyadooda loo daabulo Muqdisho ama uu soo gaaro gargaar caafimaad oo degdeg ah, Wuxuuna arintaas sabab uga dhigay in ciidamada mujaahidiinta ay xireen dhamaan wadooyinkii soo galayey saldhigga.

Cabdi Fataax Xaaji Cabdulle oo ah gudoomiye ku xigeenka Dowladda Federaalka ugu magacaaban Sh/hoose ayaa isna wargeyska Ingiriiska laga leeyahay ee The Guardian u sheegay in ciidamada mujaahidiinta ay weerareen ugu yaraan afar saldhig oo kale oo ciidamadoodu ay ku leeyihiin hareeraha degmada Buula-Mareer. “Khasaaruhu wuu ka badnaan karaa inta aan anaga ku qiimeynay, kuwani waxay ahaayeen weeraro abaabulan oo isku xiran” ayuu yiri.

Wargeyska ayaa warbixintiisa ku soo gabagabeeyey in weeraradan ay sii kordhinayaan walaaca iyo cabsida waxa loogu yeero beesha caalamka ay ka qabto aayaha dambe ee DF-ka haddii ciidamada AMISOM oo qudhooda waayadii dambe u nuglaaday weerarada Mujaahidiinta- ay ka baxaan wadanka sida qorshuhu yahay, iyo in bixitaanka ciidamada shisheeye ay soo dadajin doonto burburka maamulada taagta daran ee gaaladu ka dhistay qeybo ka mid ah Soomaaliya.

Warbixinta wargeyskan uu ku xaqiijiyey in 46 askari dowladda Uganda looga dilay weeraradii Axaddii la soo dhaafay ka dhacay Golweyn iyo Buula-mareer ayaa ku soo aadeysa xilli dowladda Uganda ay sheegtay in afar askari oo kaliya looga dilay weeraradaasi, balse taliska Mujaahidiinta ayaa horay u sheegay in weeraradaas lagu dilay ugu yaraan 59 askari oo ka tirsan ciidamada Kuffaarta Afrikaanta.

About The Author

calamada

See author's posts

Continue Reading

Previous: 5 Diyaaradood Oo Dhaawacyo Iyo Meydad Daabulay Iyo Uganda Oo Ka Hadashay Weerarradii Sh/Hoose.
Next: Ciidamada Kenya Oo Lagu Weeraray Gobalka Gedo.

Related Stories

Wararkii Ugu Dambeeyay Bariga Dhexe Iyo Trump Oo Sheegay In Uu Kordhiyay Xabbad-joojinta.
  • Allposts
  • Warar

Wararkii Ugu Dambeeyay Bariga Dhexe Iyo Trump Oo Sheegay In Uu Kordhiyay Xabbad-joojinta.

April 22, 2026
Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 05-11-1447-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 05-11-1447-Hijri.

April 22, 2026
Askar Ka Tirsan Maleeshiyadii Uu Gurguurte Ku Qabsaday Baydhaba Oo La Dilay.
  • Allposts
  • Warar

Askar Ka Tirsan Maleeshiyadii Uu Gurguurte Ku Qabsaday Baydhaba Oo La Dilay.

April 22, 2026

Sawirro

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.

March 21, 2026
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.

March 20, 2026
Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.

February 10, 2026
Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).

January 22, 2026
Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.

January 18, 2026
Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.

January 18, 2026
Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.

January 16, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada