Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Weerarkii Lagu Xasuuqay Askarta Uganda Ee Ka Dhacay Buulo Mareer Oo Buuq Xoogan Ka Dhex Abuuray Dowlada Uganda.
  • Allposts
  • Warar

Weerarkii Lagu Xasuuqay Askarta Uganda Ee Ka Dhacay Buulo Mareer Oo Buuq Xoogan Ka Dhex Abuuray Dowlada Uganda.

April 10, 2018

Ugaandha way baroordiiqaysaa, haloo ogolaado xildhibaanada inay baaraan askarta nooga dhimatay weerarada Soomaaliya, ayaa lagu bilaabay warbixin dheer oo uu qoray wargayska Dhayli Monitar ee kasoo baxa wadanka Yugaandha.

Wargayska ayaa soo hadal qaaday weeraradii xooganaa ee ay Mujaahidiintu isbuucii lasoo dhaafay la beegsadeen saldhigyada ciidamada kuffaarta Yugaandha ay ku leeyihiin Wilaayada Shabeellada Hoose, isagoo weeraradaas ku tilmaamay kuwo jahawareer ku abuuray bulshada wadanka Yugaandha, gaar ahaan ehelada ay kasoo jeedaan askarta ku sugan Soomaaliya.

“Askar ayaa ka dhimatay Ciidamada difaaca Yugaandha “UPDF” kadib weeraro saf-ballaaran ah oo ay Al-Shabaab ku bartilmaameedsadeen saddex saldhig ciidan oo ay askarteenu kaga suganyihiin Soomaaliya” ayaa lagu yiri wargeyska.

Wargeyska Daily Monitar oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in hadallada iskhilaafsan ee kasoo baxay masuuliyiinta wadanka Yugaandha ay cadayn u tahay in xukuumada wadankaasi aysan marnaba doonaynin inay runta ka sheegto tirade rasmiga ah ee khasaaraha ciidamadooda kaso gaaray weerarka Shabeellada Hoose.

Afhayeenka militariga Yugaandha Birigayd Rijard Karemire ayaa warbaahinta u sheegay in afar askari oo kaliya ay kaga dhinteen weerarkii Axada ka dhacay Buula Mareer, balse sagaal saacadood kadib ayuu madaxweynaha wadankaas Yuweri Musafeni oo ah taliyaha guud ee ciidamada Yugaandha isaguna sheeay in siddeed askari ay kaga dhimatay weerarka Al-Shabaab.

Hadalladaas is-khilaafsan ee kasoo baxaya madaxda dowlada Yugaandha ayuu wargaysku sheegay inay calaamad u yihiin wax uu ugu yeeray iska-warhayn la’aanta, jahawareerin iyo isku day fashilan oo ay masuuliyiinta wadanku ku doonayaan inay ku indha-saabaan xaqiiqada dhibaatadii soo gaartay ciidamada militariga Yugaandha ee lagu weeraray gudaha Wadanka Soomaaliya, taas oo keentay in shacabka Yugaandhaysku ay kalsooni ku qabi waayaan hogaamiyayaasha wadanka, waa sida uu wargaysku hadalka u dhigaye.

“ Anagu ma nihin dad indha la’aan ah, mar walba oo ay musiibo ku dhacdo ciidamaddeena, dalka gudihiisa ama banaankaba waa in runta loo sheegaa dadka Yugaandha, gaar ahaan ehelada ay sida tooska ah u taabatay dhibaatada dhacday” ayaa lagu yiri qoraalka wargeyska Dayli Monitar ee kasoo baxa wadaka Yugaandha.

Gudiga difaaca ee Baarlamaanka wadanka Yugaandha ayaa loogu baaqay inuu baaritaan qota dheer ku sameeyo weerarkii Axadii lasoo dhaafay ka dhacay Buula Mareer iyo kuwii kasii horeeyay ee ciidamada UPDF lagula beegsaday gudaha Soomaaliya, isla markaana ay runta ka sheegaan khasaaraha bashariga ah ee soo gaaray ciidamada.

Waxaa kale oo laga dalbaday inay soo cadeeyaan waxa sababay in ciidamadood ay mar walba ugu nugulaadaan weerarada Al-Shabaab, hadii ay jiraan xog la’aan haysa ciidamada la weeraray, sida ay tahay noloshooda iyo heerka ay gaarsiisantahay niyad jabka kasoo gaaray weerarada ay la kulmeen.

Sidoo kale Gudiga ayaa laga dalbaday inay kasoo jawaab bixiyaan awooda ay ciidamada Yugaandha ee Jooga Soomaaliya u leeyihiin inay xajistaan dhulka ay qabsadaan, iyo waxa u sabab ah inay weerarada u nuglaadaan xilliyada lagu guda jiro ciidaha Kirishtaanka, iyo wax ka jira wararka sheegay in dad basaasiin u ah Al-Shabaab ay ku dhex jiraan ciidamada.

Weerarkii ugu dambeeyay ee lagu qaaday xeryaha Ciidamada Yugaandha ee Shabeellada Hoose ayaa dhacay maalintii Axada ahayd, taas oo gaalada Kirishtaanka u ah maalin ciid ah oo loo yaqaano “iister”

Warbixinta Wargeyska Dayli Monitar oo aad u dheer ayaa lagu soo gabagabeeyay in habka kaliya ee lagu maamuusi karo askarta u dhimata difaacada wadankooda ay tahay in runta laga sheego tirade dhimashada ciidama Yugaandhayska ah ee lagu dilo Soomaaliya isla markaana magdhaw deg deg ag lasiiyo eheladii ay ka geeriyoodeen, dhanka kalena madaxweynaha wadanka Yuweri Musavenu laga doonayo in uu dhambaal u diro qoys walba oo uu wiilkoodu ku dhinto Soomaaliya.

Dowlada Yugaandha ayaa si lamid ah dowladaha kale ee duullaanka kusoo qaaday wadankan Muslimka ah ee Soomaaliya waxaa caado u ah inay qariso tirade saxda ah ee askarta looga dilo weerarada Mujaahidiinta.

Weerarkii ugu dambeeyay ee isbuucii lasoo dhaafay ka dhacay Wilaayada Shabeellada Hoose, gaar ahaan saldhigyada Buula Mareer iyo Golweyn ayaa waxaa lagu dilay in ka badan 60 ka tirsan ciidamada Yugaandha, Madaxda Dowlada Yugaandha ayaa isku khilaafay tirade rasmiga ah ee askarta laga dilay ciidamadooda, halka wargeyska the Gardiyan ee kasoo baxa wadanka Ingiriiska uu sheegay inuu xaqiijiyay geeriga 46 ka tirsan ciidamadaasi.

About The Author

calamada

See author's posts

Continue Reading

Previous: Askar Ka Wada Tirsan Maamulka Farmaajo Oo Muqdisho.
Next: Kolanyo American,Kenyaati Iyo Somali Isugu Jirta Oo Lagu Weeraray Jubbada Hoose.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -28-07-1447 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -28-07-1447 Hijri.

January 17, 2026
Shil Gaystay Khasaare Dhimasho Iyo Dhaawac Ah Oo Ka Dhacay Muqdisho.
  • Allposts
  • Warar

Shil Gaystay Khasaare Dhimasho Iyo Dhaawac Ah Oo Ka Dhacay Muqdisho.

January 17, 2026
Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -28-07-1447 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -28-07-1447 Hijri.

January 17, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026

Sawirro

Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.

January 16, 2026
Daawo Maydadka Maleeshiyadii Maanta Lagu Laayay Duleedka Deegaanka No/60 Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Maydadka Maleeshiyadii Maanta Lagu Laayay Duleedka Deegaanka No/60 Ee Sh/hoose.

January 14, 2026
Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Gedo.

January 13, 2026
Sawirro: Bannaanbaxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Bannaanbaxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.

January 12, 2026
Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.

January 10, 2026
Sawirro: Maraykanka Oo Duqayn Ku Burburiyay Warshaddii Biyaha Daruur Ee Saakow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Maraykanka Oo Duqayn Ku Burburiyay Warshaddii Biyaha Daruur Ee Saakow.

January 9, 2026
Daawo Howlgalkii Lagu Khaarajiyay Mujrimkii Ka Dambeeyay Xasuuqii Shacabka Jamaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Howlgalkii Lagu Khaarajiyay Mujrimkii Ka Dambeeyay Xasuuqii Shacabka Jamaame.

January 5, 2026
Daawo Sawirro: Ciidamada Mujaahidiinta Oo La Wareegay Deegaanno Ka Tirsan Sh/dhexe.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro: Ciidamada Mujaahidiinta Oo La Wareegay Deegaanno Ka Tirsan Sh/dhexe.

December 31, 2025
Sawirro: Beesha Biyamaal Oo Suldaan Cusub Ku Caleemo-saaratay Kurtun-waarrey.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Beesha Biyamaal Oo Suldaan Cusub Ku Caleemo-saaratay Kurtun-waarrey.

December 20, 2025
Daawo Sawirrada Burburka Gaari Laga Qarxiyay Baangaraafta.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Burburka Gaari Laga Qarxiyay Baangaraafta.

November 30, 2025
Sawirro: Maraykanka Iyo Murtazaqadiisa Oo Dad Shacab Ah Ku Xasuuqay Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Maraykanka Iyo Murtazaqadiisa Oo Dad Shacab Ah Ku Xasuuqay Jammaame.

November 16, 2025
Warbixin+Sawirro: Mujaahidiinta Nusratul Islaam Oo Cagta Mariyay Saldhig Millatari.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Warbixin+Sawirro: Mujaahidiinta Nusratul Islaam Oo Cagta Mariyay Saldhig Millatari.

November 12, 2025
Mujaahidiinta Jaziiratul Carab Oo Howlgal Istishhaadi Iyo Inqimasi Ku Qaaday Talis Milatari+Sawirro.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Mujaahidiinta Jaziiratul Carab Oo Howlgal Istishhaadi Iyo Inqimasi Ku Qaaday Talis Milatari+Sawirro.

October 24, 2025
Copyright © All rights reserved by Calamada