Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Akhriso Xog Laga Helayo Haweeney Jarmal Ah Oo Lagu Afduubtay Muqdisho.
  • Allposts
  • Warar

Akhriso Xog Laga Helayo Haweeney Jarmal Ah Oo Lagu Afduubtay Muqdisho.

May 3, 2018

Wararka nagasoo gaaraya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xalay fiidkii hore rag hubeysan oo aan weli haybtooda lagaran ay xoog ku galeen xarunta Hey,ada ICRC ee Magaalada Muqdisho, taas oo ku taala agagaarka Hotelka Shamow ee degmada Wadajir.

Raga hubeysan ayaa xarunta ka afduubtay Haweeney u dhalatay wadanka Jarmalka, mana jirin wax is rasaaseyn ah oo ka dhacday goobta sida dad goob jogayaal ah ay u sheegeen warbahinta.
Saraakiil u hadlay kooxda ridada Soomaaliya ayaa sheegay in haweeneydaas u dhalatay dalka Jarmaalka uu afduubkeeda ka dambeeyey mid ka mid ah ilaalada gaarka ah ee hey,ada ay haweeneydu u shaqaynaysay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in gaarigii lagu afduubtay haweeneyda Jarmalka ah laga helay nawaaxiga Isbitaala Digfeer oo ay maamusho dowlada Turkiga, balse aanan la ogeyn halka raggii afduubka ka dambeeyay ay la aadeen haweeneydaasi.

Hey,ada ICRC ayaa dhankeeda war ay soo saartay ku xaqiijisay in qof kamid ah shaqaalaheeda Ajnabiga ah ee ka howl galayay magaalada Muqdisho la afduubtay, iyagoona walaac ka muujisay badqabka qofkaas ajanabiga ah.

Wararkii ugu dambeeyay ee dhacdadaan la xiriira ayaa sheegaya in hay’ada ICRC ay bilowday in Magaalada Muqdisho ay daabusho dhamaan shaqaalaheeda Ajanabiga kadib dhacdadaan afduubka ah.

Ilaa laba qofood oo ajaanib ah kana tirsanaa masuuliyiinta hay’adaas ayaa la sheegay in maanta laga dhoofiyay garoona diyaaradaha Muqdisho, kadib markii Ammaankooda loo baqay.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa kusoo laalaabtay weerarada ka dhanka ah shaqaalaha Ajaanibta ah ee ka hawlgala xarumaha hay’adahaas ay ku leeyihiin caasimada Soomaaliya.

Mudddo bil kahor ah ayay ahayd markii nin u shaqaynayay hay’ada UNICEF ee hoostagta waxa loogu yeero qaramada Midoobay una dhashay wadanka Yugaandha lagu dilay gudaha xarunta hay’adaas ee Magaalada Muqdishi, falkaas oo la sheegay inuu geystay nin ka tirsanaa isla shaqalaha Hay’adda.

Magaalada Muqdisho waxaa ku sugan hey,ado fara badan oo reer galbeed ah kuwaas oo intooda badan xarumahooda ay ku yaalaan gudaha Xerada Xalane, balse waxaa jira qaar fara kutiris ah kuwaas oo xarumo aad loo ilaaliyo kuleh xaafadaha ka agdhaw Xerada Xalane iyo Garoonka diyaarada Muqdisho.

About The Author

calamada

See author's posts

Continue Reading

Previous: Dagaal Ka Dhacay Duleedka Magaalada Muqdisho.
Next: Dhageyso Andalus Oo Af-somali Ku Tarjumtay Kalimada Sheekh Abuu Cubeydah Ee Yemen.

Related Stories

Dagaal Lagu Jabiyay Maleeshiyada Danab Oo Ka Dhacay Duleedka Kismaayo.
  • Allposts
  • Warar

Dagaal Lagu Jabiyay Maleeshiyada Danab Oo Ka Dhacay Duleedka Kismaayo.

June 28, 2025
Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -04-01-1447-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -04-01-1447-Hijri.

June 28, 2025
Dhagayso Xukunka Shan Jawaasiis Ah Oo Lagu Dilay Fagaare Kuyaal Ceelbuur.
  • Allposts
  • Warar

Dhagayso Xukunka Shan Jawaasiis Ah Oo Lagu Dilay Fagaare Kuyaal Ceelbuur.

June 28, 2025

Diiwaanka Gabayada

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 21 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 21 aad)

June 26, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 20 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 20 aad)

June 23, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 19 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 19 aad)

June 20, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 18 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 18 aad)

June 16, 2025

Sawirro

Daawo Sawirrada Maleeshiyadii Gurguurte Lagu Laayay Weerarkii Duleedka Ceel-qooxle.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Maleeshiyadii Gurguurte Lagu Laayay Weerarkii Duleedka Ceel-qooxle.

June 26, 2025
Daawo Sawirrada Mujaahidiinta Oo La Wareegay Deegaanno U Dhow Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Mujaahidiinta Oo La Wareegay Deegaanno U Dhow Moqokori.

June 24, 2025
Khasaaraha Weerarkii Barujeed Oo Kordhay Iyo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirrada Weerarka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Khasaaraha Weerarkii Barujeed Oo Kordhay Iyo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirrada Weerarka.

June 23, 2025
Daawo Ciidanka Shabaabul Mujaahidiin Oo Toddobaadkii 2-aad Ku Sugan Ceel-hareeri.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Ciidanka Shabaabul Mujaahidiin Oo Toddobaadkii 2-aad Ku Sugan Ceel-hareeri.

June 11, 2025
Daawo Sawirrada Dabaal-degga Ciiddul-adxaa Iyo Mujaahidiinta Galbeedka Africa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Dabaal-degga Ciiddul-adxaa Iyo Mujaahidiinta Galbeedka Africa.

June 9, 2025
Daawo Galhareeri Iyo Jowlo Oo Looga Dabaal-degay Munaasabadda Ciidda.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Galhareeri Iyo Jowlo Oo Looga Dabaal-degay Munaasabadda Ciidda.

June 7, 2025
Daawo Hiiraan, Gedo, Sh/dhexe Iyo Galgaduud Oo Si Wanaagsan Looga Ciiday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Hiiraan, Gedo, Sh/dhexe Iyo Galgaduud Oo Si Wanaagsan Looga Ciiday.

June 6, 2025
Sawirro: Wilaayaadka Baay, Bakool Iyo Sh/hoose Oo Si Heer Sare Ah looga Ciiday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Wilaayaadka Baay, Bakool Iyo Sh/hoose Oo Si Heer Sare Ah looga Ciiday.

June 6, 2025
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe Iyo Jubbada Hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe Iyo Jubbada Hoose.

June 6, 2025
Daawo Sawirrada Diyaaraddii Mujaahidiintu Kusoo Rideen Deegaanka Xawaadley.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Diyaaraddii Mujaahidiintu Kusoo Rideen Deegaanka Xawaadley.

June 3, 2025
Sawirro: Weerar Culus Oo Lagu Beegsaday Ciidanka Mali Oo Ka Dhacay Timbuktu.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Weerar Culus Oo Lagu Beegsaday Ciidanka Mali Oo Ka Dhacay Timbuktu.

June 3, 2025
Sawirro: Inka Badan 50 Askari Oo Lagu Dilay Weeraro Ka Dhacay Mali, Burkina-Faso & Benin.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Inka Badan 50 Askari Oo Lagu Dilay Weeraro Ka Dhacay Mali, Burkina-Faso & Benin.

May 26, 2025
61 Askari Oo Dhimasho Iyo Dhaawac ku Noqday Dagaallo Ka Dhacay Duleedka Moqokori+Sawirro.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

61 Askari Oo Dhimasho Iyo Dhaawac ku Noqday Dagaallo Ka Dhacay Duleedka Moqokori+Sawirro.

May 17, 2025
Copyright © All rights reserved by Calamada