Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Qormo Caafimaad Oo Muhiim U Ah Qof Kasta Oo Sooman (Akhriso).
  • Allposts
  • Warar

Qormo Caafimaad Oo Muhiim U Ah Qof Kasta Oo Sooman (Akhriso).

May 27, 2018

Waxaa aad u badan cunnooyin iyo cabitaanno ay dadku aad u jecelyihiin, una heystaan iney caafimaad iyo vitamins dheeri ah laga helo, balse markii la baaray ay soo baxday xaqiiq taa ka duwan, iska daaye in caafimaad laga helo waxay  kusoo jiidayaan cuduro qaarkood dilaa ah.

Arinta la yaabka leh waxay tahay in cunnooyinkan iyo cabitaannadan qaar ay dadku soo jumleystaan, guryahana soo dhigtaan, iyadoo saqiir iyo kabiirba u isticmaalaya si xad dhaaf ah.

Baradhada sajalka ah ee ay dadku ugu yeeraan Jibsiga waxay kamid tahay khudradaha ay dadku  isticmaalaan, waxaana khubaro caafimaad ay sheegayaan iney kamid tahay khudradaha kordhiya miisaanka iyo culeeska qofka.

Sida qof welibana uu ka dheregsanyahay cayilka waxaa ku lamaanan kuna hoos duugaan cuduro badan, waxaana adag in jirka qofku si dheelitran u shaqeeyo haddii uu cayilkiisi siyaado yahay.

Cabitaannada laga digayo, islamarkaana dhakhaatiirtu sheegayaan iney keenayaan caafimaad darro waxaa kamid ah cabitaannada sajalka ee dibadda noocyadooda kala duwan.

Waxay cilmi baariyaal dhanka caafimaadka u dhuun daloola sheegayaan in cabitaannada sajalka ah ay kubadantahay sokorta iyo maado kale oo dhadhan gaar ah u sameysa, si ay dadku u jeclaadaan.

Cuntooyinkan iyo cabitaannadan laga deryinayo in si  xad dhaaf ah loo isticmaalo, islamarkaana dhalinkara caafimaad darro waxaa la yaab leh in suuq geyn ballaaran loo sameeyo, waxaad arkeysaa tusaale qofka iibinaya cabitaannada sajalka inuu amaanayo, isagoo sheegaya in laga helayo vitamins iyo fawaa’id badan.

Hay’adda caafimaadka ee wadanka Ingiriiska ayaa dhawaan baahisay warbixin dheer oo ay uga hadleyso in cunnooyinka sajalka ah ay sabab u noqdeen kororka ku yimid cudurada ku dhaca maskaxda.

Diraasadda ay sameysay hay’adan, islamarkaana ay baahiyeen warbaahinta ayaa lagu sheegay in 50-kii sano ee lasoo dhaafay cuntooyinka sajalka ah ee ay warshaduhu soo saarayeen ay kordhiyeen xanuunada dhimirka ee dadka ku dhaca.

Wasaaradda caafimaadka ee dowladda Ingiriiska ayaa sanad kasta miisaaniyad lacageed oo gaareysa 100 billion oo lacagta Genyga ku bixisa la tacaalida dadka dhimir ahaan u xanuunsan, waxaana diraasadu ay soo jeedisay in taa bedelkeeda ay wanaagsantahay in dowladdu ay xooga saarto ilaalinta cuntooyinka.

Bitzaha iyo Yaanya shiishiidda ayaa kamid ah kuwa sidoo kale laga deryinayo, waxaana Yaanyo-shiishiidda ku badan maadada loo yaqaano Sodiumka iyo sokorta oo loogu talaglaay iney wanaajiyaan dhadhanka.

Cabitaannada sajalka inkastoo si guud ay wanaagsantahay in la iska yareeyo, hadana marka lagu guda jiro bisha Ramadaan waxaa haboon in gebi ahaanba la iska dhaafo, waxaana wanaagsan in dadku ay ku afuraan biyaha madow ee caadiga ah, cabitaan ahaana ay u isticmaalaan khudaarta noocyadooda kala duwan ee ay ku shiitaan guryahooda.

Haweenka Uurka leh ma soomi karaan?!!

Ugu dambeyn drs lagu magacaabo Cizza Al-badawi oo ku takhasustey cudurada haweenka ayaa sheegeysa in haweenka muslimkaatka ee uurka leh islamarkaana awoda iney sooman ay haboontahay iney gutaan waajibkaas, balse ay wanaagsantahay kahor inta aysan soomin in xaaladooda caafimaad ay qiimeeyaan.

Tusaale haddii uurku yahay mid cusub, gabadhuna ay marar badan mantagto maalintii waxaa haboon iney iska dhaafto soonka, rukhsada Rabbina ay qaadato.

Haddii ay soomeyso haweeneyda waxaa la gudboon iney si wanaagsan u isticmaasho khudaarta kala duwan, caanaha iyo waxyaabaha vitaminaatka laga helo, waana iney yareysaa isticmaalka Shaaha iyo Qaxwada kuwaas oo leh kaadi badan.

Haweeneyda Uurka leh iyadoo sooman haddii ay iska dareento isbedel iyo xanuuno waxaa haboon in si deg deg ah isaga furto soonka, sharciyana sida Culimada diinta Islaamku sheegaan haddii haweeneyda Uurka leh iyo hooyada ilmo nuujineysa ay awoodi weyso iney soonto iyadoo u baqeysa Nafteeda ama ilmaheeda,  waxaa u banaan iney iska afurto, haba ku kala duwanaadeen culimada qaabka loo soo gudayo iyo fidiyada la dhiibayo.

About The Author

calamada

See author's posts

Continue Reading

Previous: Duufaan Cagta Marisay Wadanka Cummaan Dhanka Sacuudigana Ugudubtay.
Next: Dowlada Ruushka Oo Sheegtay In Askar Looga Dilay Suuriya.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -28-12-1446 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -28-12-1446 Hijri.

June 24, 2025
Iiraan Oo Weeraro Lagu Dilay Dad Sahaayino Ah Ka Fulisay Bi’ru Sabca Iyo Goobo Kale.
  • Allposts
  • Warar

Iiraan Oo Weeraro Lagu Dilay Dad Sahaayino Ah Ka Fulisay Bi’ru Sabca Iyo Goobo Kale.

June 24, 2025
Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 28-12-1446-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 28-12-1446-Hijri.

June 24, 2025

Diiwaanka Gabayada

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 20 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 20 aad)

June 23, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 19 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 19 aad)

June 20, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 18 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 18 aad)

June 16, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 17 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 17 aad)

June 12, 2025

Sawirro

Khasaaraha Weerarkii Barujeed Oo Kordhay Iyo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirrada Weerarka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Khasaaraha Weerarkii Barujeed Oo Kordhay Iyo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirrada Weerarka.

June 23, 2025
Daawo Ciidanka Shabaabul Mujaahidiin Oo Toddobaadkii 2-aad Ku Sugan Ceel-hareeri.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Ciidanka Shabaabul Mujaahidiin Oo Toddobaadkii 2-aad Ku Sugan Ceel-hareeri.

June 11, 2025
Daawo Sawirrada Dabaal-degga Ciiddul-adxaa Iyo Mujaahidiinta Galbeedka Africa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Dabaal-degga Ciiddul-adxaa Iyo Mujaahidiinta Galbeedka Africa.

June 9, 2025
Daawo Galhareeri Iyo Jowlo Oo Looga Dabaal-degay Munaasabadda Ciidda.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Galhareeri Iyo Jowlo Oo Looga Dabaal-degay Munaasabadda Ciidda.

June 7, 2025
Daawo Hiiraan, Gedo, Sh/dhexe Iyo Galgaduud Oo Si Wanaagsan Looga Ciiday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Hiiraan, Gedo, Sh/dhexe Iyo Galgaduud Oo Si Wanaagsan Looga Ciiday.

June 6, 2025
Sawirro: Wilaayaadka Baay, Bakool Iyo Sh/hoose Oo Si Heer Sare Ah looga Ciiday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Wilaayaadka Baay, Bakool Iyo Sh/hoose Oo Si Heer Sare Ah looga Ciiday.

June 6, 2025
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe Iyo Jubbada Hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe Iyo Jubbada Hoose.

June 6, 2025
Daawo Sawirrada Diyaaraddii Mujaahidiintu Kusoo Rideen Deegaanka Xawaadley.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Diyaaraddii Mujaahidiintu Kusoo Rideen Deegaanka Xawaadley.

June 3, 2025
Sawirro: Weerar Culus Oo Lagu Beegsaday Ciidanka Mali Oo Ka Dhacay Timbuktu.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Weerar Culus Oo Lagu Beegsaday Ciidanka Mali Oo Ka Dhacay Timbuktu.

June 3, 2025
Sawirro: Inka Badan 50 Askari Oo Lagu Dilay Weeraro Ka Dhacay Mali, Burkina-Faso & Benin.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Inka Badan 50 Askari Oo Lagu Dilay Weeraro Ka Dhacay Mali, Burkina-Faso & Benin.

May 26, 2025
61 Askari Oo Dhimasho Iyo Dhaawac ku Noqday Dagaallo Ka Dhacay Duleedka Moqokori+Sawirro.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

61 Askari Oo Dhimasho Iyo Dhaawac ku Noqday Dagaallo Ka Dhacay Duleedka Moqokori+Sawirro.

May 17, 2025
Weerar Askar Badan Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Burkiina Faaso.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Weerar Askar Badan Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Burkiina Faaso.

April 29, 2025
Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Saldhiggii Iyo Garoonka Wargaadhi.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Saldhiggii Iyo Garoonka Wargaadhi.

April 24, 2025
Copyright © All rights reserved by Calamada